Salah, Enzo, Nunez, Mbappe Jorginho, Sancho & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Toney, Salah, Cucurella, Felix, Gravenberch & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Inkasta oo uu xidhamay suuqa xagaaga hadana wali waxa jirta hadal haynta iyo dadaalada ay ku xoojinayaan kooxda.

Kooxaha kala duwan ayaa sii indha-indhaynaya saxiixyada ay samayn karaan suuqa january waxana ay xidhiidho la sii samayna xiddigaha ay doonayaan.

- Advertisement -

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ee ay wargaysyadu qoreen:

Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Ittihad ayaa diyaar u ah in ay dalab 200 ah ka gudbiso Mohamed Salah laakiin waxa ay ka cabsi qabaan in uu wakhtigu ka dhacayo maadama ay saacado ka dhimantahay xidhitaanka suuqa (Telegraph).

Salah ayaan ka tagi doonin Liverpool sanadkan inkasta oo dalab waali ah oo uu 3 sano ku qaadanayo 600 milyan loo soo bandhigay (Footmercato).

Liverpool ayaa isku dayday in ay Darwin Nunez u istcimaasho saxiixa xiddiga Joao Felix maalintii ugu dmabaysay suuqii xagaaga ka hor intii uuna xiddiga reer Portugal ku biirin Barcelona (Mundo Deportivo).

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Jadon Sancho (Athletic).

Xiddigaha Kooxda Real Madrid aaa filaya in ay Kooxdu dhamaystirto saxiixa xiddiga Kylian Mbappe (90min).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea Enzo Fernandez ayaa doonaya in uu isaga tago Blues hadii ay kooxdu sii wado dhibaatada dhinaca ciyaaraha (Fichajes).

Kooxda chelsea ayaa ku fashilantay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Nottingham Forest ee Taiwo Awoniyi saacadihii ugu dameeyay suuqa (The Athletic).

Kooxda Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga suuqa January Joao Palhinha (Fabrizio Romano).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay suuqa January u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Jorginho (Mundo Deportivo).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona lkay Gundogan ayaa sheegay in uu iska diiday kooxda Arsenal si uu ugu biiro Barcelona (Mirror).

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept