Rodri Oo Digniin Adag U Diray Real Madrid Ka Hor Kulanka Champions League.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Rodri ayaa sheegay in Man City ay ka go’antayay in ay BOQORADA Champions League ka reebto tartanka marka ay la ciyaari doonaan Real Madrid.

Sanad ka hor Man City ayaa daqiiqado u jirtay in ay iska xaadiriyaan final-ka champions League laakiin Real Madrid ayaa dhalisay goolal daqiiqadii 90-aad iyo 91-aad ee ciyaarta taas oo ku qasabtay ciyaarta in la ciyaaro 90 daqiiqo.

- Advertisement -

Man City ayaa si niyad jab leh looga reebay tartanka kadib markii uu Karim Benzema dhaliyay goolka guusha kadib markii rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Nasiibka ayaa Man City mar kale siiyay fursad ay uga aarsan karaan Real Mdrid, Rodri ayaana ku qanacsan in ay wax weyn ka barteen kulankii hore haatana natiijo ka duwan tii hore ay heli doonaan.

“Waan Ixtiraamaynaa iyaga”ayuu Rodri yidhi.

“Waa BOQORADA tartanka, laakiin waxa aan haysanaa hub kooxda naga soo hor jeedana way ogyihiin”.

“Waxa aan ku jirnaa wakhti fiican mana jirto wax cabsi ah oo aan dareemayno”.

“Waxa aan ognahay in uu jiro kulan labaad, waxba lama go’aamin doono kulanka 1-aad waxa aan 100% ku kalsnoonahay in aanu Gaadhi karno Final-ka”.

“Waxa aan isku daynay in aan wax ka barano khibradii hore waanan dagaalami doonaa in aan ugu guulaysano kulanka”.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept