Rio Ferdinand ” Tababare Pep Guardiola Farriin Yaab Leh Ayuu Ii Soo Diray Saacado Ka Hor Kulankii Real Madrid”
Xiddigii hore Man United ee Rio Ferdinand ayaa daboolka qaaday farriin uu ka helay macalinka City ee Pep ka hor kulankii Real Madrid ee xalay.
City ayaa xalay 4 gool ku garaacady Real oo marti ugu aheyd lugta labaad ee semi finalka Champion-ka xilli kulankii hore min hal gool ku hishiiyeen
- Advertisement -
BT Sport ayuu Rio ka yiri ” Pep farriin ayuu ii soo diray ka hor kulankaas waxaana ku iri nasiib wacan”.
” Waxa uu igu yiri i dhageyso saaxib , laba sano ka hor ayaan garaacnay hadana waan ka badineynaa mar kale , i rumeyso , ka dib waxaan ku iri waan ku rumeysnaayaan waxaan rajeynayaa in aad sidaas sameyso”
” Kalsooni weyn ayaa ka muuqatay laba saac ka hor kulankaas , wallee tani kalsooni waa dhaaftay ” ayuu sii raaciyay
Man City ayaa finalka Champion-ka waxa ay isku arkayaan Inter Milan kaasi oo dhacaya 10-ka June
Related