Real Madrid Mise Man City? Javier Zanetti Oo Magacaabay Kooxda Uu Doonayo In Ay Inter Ka Fogaato Final-ka Champions League.
Madaxweyne ku xigeenka Inter Javier Zanetti ayaa qirtay inuu doonayo In ay Inter Final-ka champions League la ciyaarto Man City marka loo eego Real Madrid.
Inter ayaa xaqiijisatay booskeeda finalka ka dib markii ay 1-0 kaga badisay AC Milan ciyaar ka dhacday San Siro waxana ay haatan sugayaan kooxda u soo bixi doonta Final-ka tartanka.
- Advertisement -
Kooxda Inter ayaa haatan midkood la ciyaari doonta kooxaha Real Madrid ama Man City kulanka final-ka oo ka dhici doona garoonka Ataturk Olympic Stadium ee dalka Turkey.
Kulankii hore ee u dhexeeyay Real Madrid iyo Man City ayaa ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah laakiin Zanetti ayaa sheegay in uu doonayo in ay Man City u gudubto final-ka tartanka champions League.
“Haatan waxan sugaynaa kooxda aan la ciyaari doono Final-ka”ayuu Zanetti yidhi.
“Waxan jeclaan lahaa in aan ka fogaado real Madrid sababta oo ah waxa ay u muuqataa in iyaga tartanka loo sameeyay”.
Related