Raya Mise Ramsdale? Jamie Carragher Oo Magacaabay Goolhayaha Uu Arteta Haatanba U Doortay Dookhiisa 1-aad.

Raya Mise Ramsdale? Jamie Carragher Oo Magacaabay Goolhayaha Uu Arteta Haatanba U Doortay Dookhiisa 1-aad.
2

Jamie Carragher ayaa ku biiray Thierry Henry isagoo aaminsan in tababaraha Arsenal Mikel Arteta uu mar hore go’aansaday goolhayihiisa 1-aad.

Hadii uu David Raya mar kale ku bilowdo kulan Arsenal ah waxa ay soo afjari doontaa muranka ka taagan booska Goolhayaha kooxda Arsenal.

Raya ayaa ku bilowday labadii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxda Arsenal halka uu Aaron Ramsdale ku bilowday 4-tii kulan ee hore ee ay kooxdu ciyaartay horyaalka premie rleague.

Carragher ayaa aaminsan hadii uu Arteta kulanka Tottenham ku bilaabo Goolhaye David Raya uu soo afjarmi doono muranka ah Waa kuma Goolhayaah 1-aad ee kooxda Arsenal.

“Haddii Raya uu ku bilowdo kulanka Tottenham waliba la eego labadii kulan ee hore ee uu ku bilowday ma jirto sabab mar dambe kaydka loo dhigo”ayuu Carragher yidhi.

“Dooda Ku Saabsan cida Noqon doonta Goolhayaha 1-aad ee Arsenal waa soo dhamaaday”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“”Ramsdale waa inuu la qabsado inuu waqti badan ku qaato kursiga keydka xilli ciyaareedkan, waxaana loo maleynayaa in la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo socda”.

Related