RASMI: Virgil van Dijk Oo Ganaax Kale Dusha Laga Saaray.

Rasmi: Virgil Van Dijk Oo Ganaax Kale Dusha Laga Saaray.
3

Kabtanka kooxda Liverpool Virgil van Dijk ayaa la ganaaxay hal kulan oo dheeri ah, waxaana lagu ganaaxay 100,000 oo ginni, sida uu xaqiijiyay xiriirka kubada cagta Ingiriiska.

Van Dijk ayaa kaadhka cas oo toos ah loo taagay ka dib 28 daqiiqo oo kaliya kadib markii uu qalad ku galay xiddiga Newcastle Alexander Isak intii lagu guda jiray kulankii ay kooxdiisa 2-1 ku badisay.

Xiddiga reer Holland ayaa aad uga carooday go’aankaas, wuxuuna si caro leh uga fal celiyay garsoore John Brooks markii uu garoonka ka baxayay.

Markii hore waxaa dusha laga saaray ganaax hal kulan ah waxana uu seegay kulankii ay Liverpool 3/0 kaga badisay Aston Villa.

Laakiin xidhiidhka FA-ga England ayaa hal kulan oo dheeraad ah ganaaxay xiddiga waxana uu seegi doonaa kulank Wolves ee kadib fasaxa xulalka.

Sidoo kale Van Dijk ayaa dusha laga saaray ganaax lacag dhan 100 kun oo Gini sida uu warbixin ku soo saaray xidhiidhka FA-ga England.

Related