RASMI: Liverpool Oo Xaqiijisay Saxiixa Wataru Endo & Lambarka Uu Xidhinayo Oo La Shaaciyay.
Kooxda Liverpool ayaa shaacisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda reer Germany.
Liverpool ayaa xaqiijisay in ay Endo ka saxiixdeen heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Anfield.
- Advertisement -
Kooxda ayaa sidoo kale xaqiijisay in uu xiddigu xidhan doono Lambarka No.3 oo ahaa mid uu baneeyay Fabinho oo ka tagay kooxda.
Xiddiga Endo ayaa noqday saxixii 3-aad ee ay samaysay kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Liverpool ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa xiddiga iyada oo aan horay loola xidhiidhin saxiixiisa.
Related