Qabanqaabada ku aadan in Soomaaliya ay ka mid noqoto dallada EAC oo meel gabagabo ah maraysa

Qabanqaabada Ku Aadan In Soomaaliya Ay Ka Mid Noqoto Dallada Eac Oo Meel Gabagabo Ah Maraysa
2

Khamiis, May, 11, 2023 (AX) – Xoghayaha Guud ee dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa shaaca ka qaaday in ay socoto qabanqaabada ugu dambeysay ee ku aadan in Soomaaliya ay ka mid noqoto gobolka EAC.Dr. Peter Muthuki ayaa sheegay in warbixin ka soo baxday khubaro dejinasay heerka uu dalku marayo iyo shuruudaha ogolaanshaha, ayaa warbixintooda ugu dambeysay u gudbiyay hogaamiyayaasha wadamada xubnaha ka ah EAC isla markaana dhawaan goluhu uu qiimayn doono in Soomaaliya si rasmi ah ugu biirto EAC.

“Habka gelitaanka Soomaaliya waa mid socda, maadaama warbixinta la diyaarinayo lana wadaagayo asxaabta si ay fikradahooda uga dhiibtaan, hadda way fududahay, taasoo ah tallaabada xigta in warbixinta loo gudbiyo golaha wasiirrada EAC,” ayuu yiri Dr. Peter Muthuki.

Hadalkan ayuu ka sheegay mar uu xalay saxafada kula hadlayay magaalada Kampala.

Shuruudaha lagu soo dhaweynayo waddamada cusub waxaa ka mid ah aqbalaadda bulshada, u hoggaansanaanta mabaadi’da la aqbali karo ee caalamiga ah ee maamul wanaaga iyo ku dhaqanka sharciga, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo ka qayb qaadashada xoojinta isdhexgalka gobolka Bariga Afrika.