Premier League Oo Xaqiijiyay In Ay 5 Kooxood Ka Ciyaari Karaan Champions League.
Taariikh ayaa laga yaabaa in la sameeyo xilli ciyaareedka 2023-24 iyadoo markii ugu horeysay shan kooxood oo Premier League ah ay ugu soo bixi karaan Champions League booskooda horyaalka.
Isbeddelka qaabka xilli ciyaareedka 2024/2025 ayaa laga dhigi doonaa 36 kooxood oo ka qayb gali doona tartanka iyada oo boosaska dheeraadka ah la siin doono horyaalada kooxohoodu si fiican uga ciyaaraan tartamada UEFA.
- Advertisement -
Si ay tani u dhacdo kooxaha Premier League ayaa u baahan in ay si fiican uga ciyaaraan tartamada Champions League, Europa League iyo Europa Conference League.
War qoraal ah oo ka soo baxay Premier League ayaa lagu yidhi ‘Waxay u badantahay in aan ogaan doono kaliya marka booska shanaad uu soo gali doono UCL dhamaadka xilli ciyaareedkan, markaas oo la ogaanayo fidinta juquraafi ahaan kooxaha ka qayb galaya marxaladaha dambe tartamada UEFA”.
Dhaqan ahaan waxaa jiray kaliya afar naadi oo u soo baxay Champions League booskooda horyaalka.
Related