Pep ” Hal Arin Ayaa U Sabab Aheyd In Haaland Gool Ka Dhalin Waayo Real Madrid”.

Tababaraha Man City ayaa ka hadlay bar bar dhicii min halka gool ahaa ee ay la soo galeen Real kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee semi finalka Champion-ka

BBC Sport ayuu Pep ka yiri ” Markii City fiicneyd Real gool ayay dhaliyeen , markii iyaga fiicnaayeenna gool ayaan dhalinnay , ciyaar isu dhaw ayay aheyd waliba adag”

- Advertisement -

“Kulanka garoonkeena aad ayuu inoogu wacnaanayaa ” ayuu sii raaciyay Pep .

“Dhanka garabka bidix ayay naga dileen , waana nagu adkeyd in kubadda si sahal ah uga qaadanno, waxaa inoo balan ah Etihad”.

Intaas kuma joogsan Pep “Real waa halis balse cashar ayaan ka qaadannay kulankaas , ciyaar kala bax ah ayaan ciyaareynaa”

Mar la weydiiyay Haaland her ciyaareedkiisa” dal daloolo uu wax ka dusiyo waa u diideen, si wacan ayuu u dhaq dhaqaaqayay balse daafacooda meel waliba waa buuxiyeen”.

 

 

 

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept