Pep Guardiola Oo Xaqiijiyay Xiddigo Kooxdiisa Ah Oo Seegi Doona Kulanka Furitaanka Champions League
Manchester City ayaa waayi doonta adeega xiddigaha Manchester City Jack Grealish, John Stones iyo Mateo Kovacic kulanka furitaanka wareega group-yada Champions League.
Kooxda difaacanaysa koobka ayaa maalinta Salaasada ah garoonkeeda Etihad ku marti galinaysa kooxda Red Star Belgrade.
- Advertisement -
Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in iyadoo Grealish, Stones iyo Kovacic ay ku dhow yihiin inay ku soo laabtaan garoomada, kulanka berri uu yahay mid iyaga xilli hore ku ah.
“Way soo caafimaadayaan laakiin ma ciyaari doonaa Barr”ayuu Guardiola yidhi.
Wuxuu raaciyay: “Waxaan rajeyneynaa in ay diyaar u noqdaan kulanka orest Sabtida ama kulamada soo socda”.
“Waan u baahanahay iyaga, Jack waxan doonaynaa in uu la tartamo Jeremy Daku si ay kooxdu u fiicnaato”.
Related