Patrick Vieira Oo Arsenal Uga Digay Koox Ka Qaadi Karta Horyaalka Premier League, Mana Ahan Man City.

Patrick Vieira Oo Arsenal Uga Digay Koox Ka Qaadi Karta Horyaalka Premier League, Mana Ahan Man City.
1

Halyeyga Arsenal Patrick Vieira ahna Tababaraha Kooxda Crystal Palace ayaa kooxdiisii hore uga digay tartanka loogu jiro horyaalka premier League.

Arsenal ayaa ilaa hadda hogaaminaysa kala saraynta horyaalka England iyada oo 8 dhibcood ka horaysa kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City Laakiin Vieira ayaa aaminsan in ay jirto koox kale oo ku jirta tartanka premier League.

Vieira ayaa ka hadlay saadaashiisa horyaalka premier League ka hor kulanka ay caawa la ciyaari doonaan Crystal Palace premier League.

“Marka aad eegto qaab ciyaareedka Man United kulamadii ugu dambeeyay iyo guulaha ay gaadhayeen iyo sida ay ugu dhawyihiin kaalinta 1-aad ee premier League, aniga aaan waxa aan aaminsanahay in ay ku guulaysan karaan horyaalka”.

“Manchester United gabi ahaanba way ka duwan tahay xilli ciyaareedkii hore, Erik Ten Hag ayaa muujiyaya shaqo fiican waxana ay ku guulaysan karnaa horyaalka”.

Waxaa xusid mudan in Ten Hag uu la wareegay mas’uuliyadda tababarka Manchester United dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore waxana uu kooxda ku hogaamiyay natiijooyin fiican.