Mas’alada Sharciyada Xakamaynta Denbiyada Kufsiga

Gogoldhig: Anoo ku halqabsanaya xikmaddii murtida lahayd ee Allaha u naxariistee,

Mujaahidkeennii iyo gabayaagii weynaa, Sayid Maxamed Cabdille Xasan, “Anoo aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexeeynin”
iyo maahmaahada Soomaaliyeed ee oranaysa, “Allow eexna ha nooga tegin, aqoondaarrona ha nagu cadaabin”, waxaan
rabi lahaa inaan si shaamil ah wax uga iraahdo mas’alada murugtey ee Hindise Sharciyeedka Denbiyada Jinsiga
(2018) iyo Sharciga Denbiyada Galmada (2020) ay soo kala diyaariyeen
Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Gulahii Shacabka ee Barlamaanka
Faderaalka ee 10naad.

- Advertisement -

Ma ahayn in sharciyo
looga hortegayo kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ee loo geysto haweenka iyo
carruurta, lana qalad bixin karey, ama lagu badeli karey mid ka wanaagsan, ay sababaan:
is-afgranwaag, is-dhaleecayn, iyo is-haaraan, ka dhex oogma qaybo ka mid ah
bulshadeenna oo leh mas’uuliin sare, culummo iyo caammo, rag iyo dumar, daljoog
iyo qurbojoog.

Labadaas
sharci kan badi dhugta dadweynaha soo jiitey, waa Hindise Sharciyeedka
Denbiyada Jinsiga. Waxyaabaha laga sheegay oo aan ku jirin, waxaa ka mid ah :inuu
ansixinayo sinada iyo falka luwaadnimada, bannaynayana inay afadu ku soo
oogi karto saygeeda dacwad fal denbiyeed kufsi haddii uu ku ijbaaro
mucaasharada xalaasha ah.

Saasoo
ay tahay, waxaa ku jira qodobbadiisa xeerinaya fal denbiyeedka kufsiga dhawr
gef oo kala culus ayna ka mid yihiin kuwa soo socda:

A.
Ciqaabta
fal denbiyeedka kufisiga oo aan lagu xeerin xukunkii Alle ee xaddiga
xiraabada.

B.
Iyadoo
aan la caddayn inaan “Qodobka Kufsiga” lagu dabiqi karin mucaasharada xalaasha
ah ee labada isqaba, sida lagu xeeriyey sharciyada dalalka Islaamka badidood.

C.
Inay
fasiraadda laga bixiyey weerta “oggolaanshaha”ee ku kala xusan faqradaha
b) ee Qodobka 4aad-Kufsi iyo Qodobka 6aad – Kufsi Kooxeed,
ay qalad yihiin xag naxwe iyo xag macno sharciyeedba.  Oggolaanshaha qofka loo geysto fal kufsi ama
xadgudub jinsiyeed, waxay ku xiran
shuruud badan, sida ku qeexan sharciyada dalalka Islaamka.      

Teeda
kale, asalka iyo mafhuumka weerta “Marital Rape” ma aha wax laga yiqiin
bulshooyinka caalamka, kahor qaybtii labaad ee qarnigii 20naad. Ereybixintaas cusub
waxaa soo saarey haweenka dalalka reer galbeedka, waxaana lagu daray sharciyadooda
lagaga hortegayo kufsiga oo aan ku ekeyn -sida ay qabaan- falka jinsiga laf-ahaantiisa,
balse ahaanshihiisa fal ku dhisan xukun iyo awood sheegasho.

Waxaan maqaalkayga ku soo koobay shan qaybood oo noo
iftiimin kara  dhabbaha sharciyeed ee loo
raacay meelmarinta labadaas sharci, iyo  fasiraadda,
ereybixinta, iyo siiqada loo qoray weerta “Fal-denbiyeedka kufsiga”
ee ku jirta sharciyadaas iyo kuwa la ujeeddada ah ee Xeerka Kufsiga ee Dawladgoboleedka
Puntland (2016), Qaanuunka
Federaalka No (15) 2020 ee Sharciga Ciqaabaadka Midowga Imaaraadka Carbeed iyo Sharciga Ciqaabaadka (2013) Jamhuuriyadda
Suudaan.

 


I.
Wax Ay Shareecadu Ka
Qabto Kufsiga iyo Ciqaabtiisa

Diinta
Islaamku dumarka waa karaameysay, dulmi iyo xaqiraad badan oo ay ku hayeen mujtamacaadkii
ka horreeyeyna waa ka xoraysay. Misana, waxaa weli Caalamka Islaamka  ka jira dad  ku dheggen dhaqammadii laga soo gudbey ee
casrigii ximiyadda jaahiliyadda, oo aan badi dumarka ku dhaqayn axkaamta saxda
ah ee Diinta Islaamka.

Ka
hortagga fal denbiyeedka kufsiga, waxaa noogu filan, iyadoo lagu fuliyo xukumka
Shareecada Islaamka ee xaddiga xiraabada. Illowse, taa macneeheedu ma
aha, dhawr jeer oo qaysaraan jilicsan lagu dhufto dhabarka ninka falkaas geysta.
Balse, waa cadaab xanuun badan, oo aan cafis iyo naxariis lahayn, cibrona u
noqonaysa denbiilaha iyo mujrim kastoo falkaas ku kaca, sida Alleheen ku jideeyey
Qur’aankiisa Kariimka ah (33: Suurat Al Maa’idah):

“Dhab ahaanti, abaalka kuwa la dagaallama Alle iyo
Rasuulkiisa ee arliga ka wada fasaad waa in la dilo ama la callaqo ama isdhaafsiis
gacmaha iyo lugaha looga gooyo ama arliga laga fogeeyo, taas oo ah dulli ay
dunida ku mutaysanayaan aakhirana waxaa u taal cadaab weyn”.              


I.
Qodobbada Xeerinaya Fal
Denbiyeedka Kufsiga ee

Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed

Fal
denbiyeedka la xiriira Kufsiga waa dhawr, waxaana lagu xeeriyey Sharci Lr.5 ee
16 Disembar 1962 ahna Xeerka Ciqaabta ee Soomaaliyeed (Codice Penale Somalo) iyadoo
lagu xusay qodobbada 398, 399, 400, iyo 401. Qodobbadaas waxay la kala xiriiraan
Kufsiga (qod.398) Faraxumaynta (qod.399), Kufsiga Labada Qof ee Isku Jinsiga Ah (400) iyo Afduubka ha ahaado guur ama faraxumayn darteed (qod.401). Ciqaabta fal
denbiyeedka kufsiga ee ku xusan
qodobka 398 waa xabsi 5 ilaa 15 sano oo ku xiran qiimaynta garsooraha.

Tiirarka
fal denbiyeedka kufsigu waa:

1.
Inay
dhacday galmo aan sharcigu bannayn.

2.
In
la adeegsadey xoog ama handadaad, ama inuu qofka loo galmooday yahay qof aan
lahayn caqli ku filan, sida carruurta iyo dadka miyirka la.’

3.
Inay
labada qof kala duwan yihiin jinsi ahaan (lab iyo dheddig). Kufsiga laba qof oo
isku jinsi ah waxaa ka hadlaya qodobka 400 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo ciqaabtiisu
ka culus tahay tan kufsiga ee qodobka 398.

Kufsigu
wuxuu ka mid yahay fal denbiyada lagu oogo awoodda Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Caddaymaha loo cuskan
karo waxaa ka mid ah:

1.
Warqadda
dhaawac muujinta (referto medico)

2.
Dhaawaca
ku yaal korka dhibbanaha ama dhaawaca laga helo korka eedaysanaha ee muujinaya
iska-caabin

3.
Marqaatiga.

4.
Qiraalka
eedaysanaha.

Maxkamadaha
Soomaaliya waxay dabaqaan qodobbadaas la xiriira fal denbiyeedka kufsiga, balse
waxaa jira caqabado ka imaada badi dhanka ehelada labada dhinac, iyadoo labada
reer ay ka dhex shaqeeyaan odeyaal dhaqameed oo la xaajooda reerka dhibbanaha
dumarka ah, kuna qanciya inay ka qaataan reerka eedaysanaha magdhaw iyo meher,
sidaasna xaalka lagu dhammeeyo inta uusan sooba gaarin maxkamadda.

Ugu
dambayn, waxaa jirta gaabis weyn ee xagga wax ka-qabashada tacaddiyada  loo gaysto haweenka iyo carruurta, sababtoo
ah:

§  Inaan dadaal badan lagu
bixin caddaymaha fal denbiyeedka kufsiga.

§  Farsamada iyo xirfadda
baarista oo aan gaarin heerkii la rabey siiba shaybaarka DNA oo aan la hayn.

§  Sharciga ciqaabta oo
duugoobay muddo fogna aan lagu samayn wax tacdiilaad ah.

Dr.Abuubakar Axmed Cali (Gazali)

Garsoore Maxkamadda Sare ee JFS

 

III  Qodobbada Meelmarinta Sharciyda ee Golaha
Shacabka

Awoodaha
dastuuriga ah ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka oo ay tahay in loo
adeegsado meelmarinta shuruucda la horkeeno, waxaa ka mid ah:

Qodobka 69aad.
Awoodaha sharci-dejinta

(1)
 Golaha Shacabku wuxuu leeyahay awood sharci-dejin
oo ah:

a)
  Inuu
ansixiyo, wax ka beddelo ama diido sharciyada la horkeeno;

b)
  Inuu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka
ahayn kan la xiriira

  miisaaniyad sannadeedda.

 

Qodobka 82aad.  Hindise sharci qabyo ah oo Golaha Shacabka ka
bilowday:

 

(1)
     Golaha Shacabka marka la horkeeno hindise
sharci qabyo ah waxaa u

     furan :

a)
Inuu
u ansixiyo sharcigaas sida uu yahay, ama inuu ansixiyo asaga oo wax ka bedeley,
markaasna u diro Aqalka Sare si uu u ansixiyo:

b)
Inuu
diido, kuna wargeliyo Aqalka Saree ee Barlamaanka Federaalka,

isaga oo raacinaya
sababaha loo diidey.

IV  Ereybixinta iyo Siiqada Qodobbada Kufsiga La Xiriira

Takhtarka,
qaaliga, iyo wadaadka tafsiir ama afti ka bixinaya mas’alo diineed, midna kama
xishoodo ku dhawaaqista ereyada qofka caadiga ah uu aalaaba afkiisa ka dhowro.

Qodobbada
shanta sharci ee soo socota, waxaa laga garan karaa in tafsiirkooda iyo
ereybixintooda waxa loola jeedo faldenbiyeedka kufsiga ayan wax weyn ku kala
duwanayn. 

1.      Sharciga Kufsiga ee
Dawaladgoboleedka Puntland  (2016)

Sharci
Lr.4.ee 02 September 2016: Sharcigaas
oo dhaqangalay, waxaa saxiixay Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii
Hore ee Dawladgoboleedka Puntland, kadib markii uu ansixiyey Golaha Wakiillada
ee Puntland.

Cutubka Labaad – Denbiyada Galmada

Qodobka
6aad

Kufsi

 

1.    Qof kasta oo si ula-kac ah geliya xubintiisa
taranka heerkay doonto gelintu ha ahaatee farjiga, dabada, ama afka, Qof kale
si khasab ah, waxaa loo aqoonsanayaa kufsi waxaana lagu xukumayaa axkaamta ku
qeexan Qodobka 29aad ee xeerkaan, marka lala akhriyo Qodobka 27aad ee xeerkaan.

2.
Axkaamta
ku xusan faqrada 1aad laguma dabbaqayo gelinta walax aan ahayn xubnaha taranka
oo loo sameeyay ujeeddo caafimaad ama baaritaan dambi.

3.
U
guurinta dhibbanaha dumarka ah denbiilaha kufsaday waa in aanu noqon qiil loo
adeegsado in eedaymaha ku xusan xeerkaan looga baajiyo.ku soo oogiista denbiga.

4.
Magdhaw
siinta dhibbanaha ma noqon karto mid meesha ka saarta denbiga ama ciqaabta
xeerkaan qabo.

5.
Qof
kasta oo isku daya gelidda denbiga ku xusan faqrada (1aad) marka lagu helo waxa
uu mudanayaa xabsi gaaraya saddex sano ilaa shan sano.

6.
Qodobkaan
laguma qaadi karo labada Qof ee xalaasha isku qaba.

7.
Haddii
ay caddaato in labada qof ay si sharci darro ah raali isaga ahaayeen

             falka galmada, waxaa laga soo
qaadayaa fal denbiyeed galmo oo Zino ah 

             taas oo lagu xukumayo xuduudda
Alle u jideeyey ee ku xusan Shareecada.

2.
Hindise Sharciyeedka Denbiyada
Jinsiga (2018)

 

Qaybta
(2)

                          Denbiyada Jinsiyeed

Qodobka 4aad

   Kufsiga

1.
Qof kasta wuxuu gelayaa fal denbiyeed kufsi ah haddii
uu:

a.      Si ula
kac ah, geliyo haba yaraatee, wax kasta ee la geliyo daloolka xubinta taranka,
futada, ama xubinta taranka ee qof kale, una adeegsado wax kasta ama xubin ka
mid ah jirka; iyo

b.      Qofka
kale uusan oggoleyn wax gelinta.

1.
   Qof kasta oo
gala fal denbiyeedka ku xusan Qodobkan, waxaa lagu

  xukumayaa xabsi
aan ka yareyn toban sano kana badnayn shan iyo toban sano.

2.          Qof kasta oo isku daya fal denbiyeedka ku
xusan Qodobkan, waxaa lagu

    xukumayaa
xabsi aan ka yarayn toddoba sano kana badnayn toban sano.

3.      Sharciga  Denbiyada Galmada (2020)

                        Qaybta
2aad

                   Fal Denbiyeedka Galmo

                                    Qodobka 7aad                             

                                 Xad-gudub Galmo

1.      Xad gudub galmo waa marka si kas ah qof qaangaar ah uu qof kale “yar ama
weyn” uga qabto, ka taabto, ama taabsiiyo xubinka ama qaybaha kiciya shucuurta
jinsi marka labada qof oo is oggol ay wadaagayaan fal galmo.

       qabto, ka taabto ama taabsiiyo
xubinta taranka ama qaybaha kiciya

Qodobka 9aad

                                                Kufsiga

2.      Kufsi waa fal galmo ama jinsi oo qof ku sameeyo mid kale, iyadoo aysan

              jirin oggolaansho, sida badanna
ku dhaca qaab gabboodfal oo iskeeda loogu     

              mutaysanayo xukun ciqaab iyo xukun ciqaab iyo mid
madani .

3.      Kufsigu waa fal denbiyeed qof si toos ah oo si kas ah ugu bareero
gelitaankiisa, falka denbigaasna wuxuu dhacaa marka labada xubnood ee taranka
ee labada jinsi ay isgalaan, is gaaraan am a god kale ee qofka la kufsaday la
geliyo xubinta taranka ee labka.

4.      Midowga Imaaraadka Carbeed

      Qaanuunka Federaalka No. (15) 2020

     Sharciga Ciqaabaadka

Qodobka 354:  Iyada oo aan wax loo dhimayn
axkaamta Sharciga Dhallinta Habawsan iyo Hoylaaweyaasha, qof kasta oo xoog
adeegsada si uu galmo jinsi ula yeesho qof dheddig ah ama fal luudnimo qof lab
ah, waxaa lagu xukumayaa ciqaab dil ah.
Xoogista waxaa loo ictibaarayaa caddayn haddii ay da’da dhibbanuhu ka
hooseeysey afar iyo toban sano goorta uu fal denbiyeedku dhacay, ama haddii aan
dhibbanuhu xor u ahayn oggolaanshihiisa sabab ah da’da oo yar, waalli, ama miyirbeelid. 

5.      Jamhuuriyadda
Suudaan

      Sharciga Ciqaabaadka (2013)

Kufsiga
iyo Denbiyada Kale ee Jinsiga         

Qaybta 316 – “ Kufsiga oo la tilaamay”: Nin fal kufsi ayuu galayaa waxaa la
yiraahdaa, kan, marka laga reebo xaaladda laga filanayo qaybtaan iyo qaybta
316A galmo jinsi la yeesha gabar iyada oo aan raalli ka ahayn ama aan oggolayn;
waxaase shardi ah in oggolaanshaha gabadha ay da’deedu ka hooseyso siddeed iyo
toban sano uusan yeelanayn macno oggolaansho xagga Qaybtaan dhexdeeda.

Ka-baxsanaan xukun: Galmada uu nin la yeesho afadiisa ma
aha kufsi, xagga macnaha Qaybtaan dhexdeeda.

Qaybta 317- “Kufsi”: Qof kasta oo gala fal kufsi, marka la xukumo waxaa lagu
ciqaabayaa xabsi muddo aan dhaafsiisanayn afar iyo toban sano, waxaa kale oo uu
mutayasan karaa ganaax.    

V. Waraysiyo iyo
Mawaaqif

 Marwo
Xaawa Yuusuf Axmed 

Guddoomiyihii Guddiga Xuquuq Al
Insaanka ee Golaha Shacabka

Kalfadhi
uu Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee 10naad yeeshay subaxnimadii 8dii
August, 2020, waxaa jadwalkiisa  ku
jirey, lagana dooday qabyoqoraal Sharciga
Denbiyada Galmada ee uu
Guddoonka Goluhu soo diyaariyey, xogtii iyo talooyinkii ay  Guddoomiye Xaawa Yuusuf Axmed u soo jeedisay
xildhibaannadana waxaa ka mid ahaa:

§  In waxa ay 275ka
xildhibaannadu u joogaan Golaha tahay, inay wixii qaldan toosiyaan, illeen xeer
qabyo ah oo dhaqan Golaha lama  keenee, ay
tahay shaqadooda, inay wixii ka qaldan saxaan, wixii ka dhimman ku daraan,
wixii aan loo baahnayna ka saaraan;

§  Inay jirto baahi aad u
ballaaran iyo xanuun yimid oo u baahan in loo helo sharci xakameeya kufsiga aan
saqiirkuna ka badbaadeyn;

§  In markii la
sameynayey Xeerkii Ciqaabta ee 1968, aysan dalka ku badnayn maandooriyeyaasha,
suntan la isku buufiyo, iyo cajaladaha muujinaya muqaallada dhiirigelinaya sinada,
kufsiga iyo fawaaxishka kale;

§  In Guddiga Xuquuq Al Insaanka
loo soo gudbiyey kana doodaay hindise-sharciyeedkaan iyo afar kale oo ay soo kala
gudbiyeen: Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Al Insaanka, culummo Soomaaliyeed,
qareenno Soomaaliyeed, Guddiga Xuquuq Al Insaanka, iyo midkaan Golaha horyaal.

Mursal Maxamed Cabduraxmaan

Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee

Barlamaankii Federaalka ee 10aad

Kalfadhi
uu Golaha Shacabku yeeshay 14kii Sebtember, 2020 Guddoomiye Mursal Maxamed wuxuu
xildhibaannada ku wargeliyey arrimaha soo socda:

·
In
sharciga ay Wasiiraddu u soo gudbisey Barlamaanka uu fasaxayo Zinada iyo in dad
khaniisiisn ah ay isu tegi karaan maxaayeelay “futada” ayuu ka hadlayaa;

·
In
markii ay xukuumaddii hadda dhacday ansixisay sharcigaan ay culummada
Soomaaliyeed oo dhan ka hadashay, qaarkoodna ku sifeeyeen dadka sharcigaan soo  ansixiyey ayan Islaam ahayn;

·
In
sidaas darteed, loo xilsaaray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka [Mahdi Guuleed} iyo
guddii uu madax u ahaa, ayna ka mid ahaayeen culummo Soomaaliyeed oo la yaqaan
si ay sharciga u saxaan;

·
In
markii sharcigii oo la soo saxay loo geeyey Wasiiradda, ay wasiiraddii diiddey in
wax laga beddelo;

·
In
Ra’iisul Wasaaraha [Xasan Cali Khayrre] loo soo bandhigay dukumentigii
sharcigaas oo la soo saxay, ayna ka soo shaqeeyeen culummoo aqoon u leh
sharciyada iyo sharciyaqaannada Golaha, lagana codsaday inay wasaaraddu ku soo
darto [qodobbadii la saxay] ayna xukuumaddu mar labaad Golaha u soo gudbiso;

·
Inuu
ku jawaabay inuusan awood u lahayn inay wasiiraddu wax ka qaadato dukumentigaas
oo uu Goluhu siduu rabo ka yeelo.

·
 In fadhi lalay yeeshay
Guddiga Joogtada lagalana tashaday, sida laga yeelayo sharcigaas ka soo
horjeeda Shareecada, uuna Guddigu ku teliyey inaan dib loogu celin Wasaaradda
ee uu Guuddoonka Barlamaanka, oo adeegsanaya awooddiisa sharci-dejinta, bilaabo
dejin sharci cusub, sharcigaas oo guddigii loo magacaabay soo diyaariyey
[Sharciga Denbiyada Galmada]. 

 

Deeqa Yaasiin, Wasiirkii Hore ee

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Al
Insaanka     

Waraysi
ay Marwo Deeqa Yaasiin la yeelatay Yusuuf Xasan, weriyaha Shabeelle TV – Barnaamijka Garnaqsi ee 20 Sebtember,
2020, waxay ayada oo caddayn ka bixinaysa sababaha dheliyey buuqa ka
dhashay Hindise Sharciyedka Dembiyada Jinsiga oo soo maray Xeer Ilaaliyaha
Guud, uuna ansixiyey Golaha Wasiirrada, waxay sheegtay:

§  In bishii Sebtember,
2018, xildhibaannada Golaha Shacabka loo qaybiyey Hindise Sharciyeedka, si ay u
soo akhristaan, dooddisa kadibna uu Goluhu go’aan kaga gaaro.

§  In Wasaaradda oo ku
xisaabtameysey habraaca sharci-dejinta Golaha Shacabka ee ku qeexan Xeer-Hoosaadka
Golaha, ay  sugeysey in loogu yeero
akhriska kowaad, si Wasiirka Wasaaraddu uu faahfaahin uga bixiyo;

§  In ay ahayd in
sharciga loo gudbiyo Guddiga Arrimaha Xuquuq Al Insaanka ee Golaha Shacbiga oo xaq u lahaa in, inta aan
sharciga la marsiin ahkriska labaad, la siiyo fursad uu kula kulmo Wasiirka, si
looga wada munaaqashoodo;

§  In uu sharcigaan ahaa
qabyoqoraal sida sharci kasta, sidaa darteedna  wax ka dhimmanaan karaan, waxna lagu fikrad
kala duwanaan karo, lana sixi karay.

§  In ay bishii Agoosto,
2020, Wasaaraddu ogaatay in Goluhu sameeyey hindise sharciyeed ku magacaaban Hindise Sharciyeedka Dambiyada Galmada
loona qaybiyey xildhibaannada;

§  In aysan Wasaaraddu
gudbin Sharciga Dambiyada Galamada ee Guddoomiye Mursal iyo Guddumiye Ku-xigeen
Muuddey kaga hadleen kalfadhigii Golaha ee 14kii Sebtembar, 2020;

§  In hindiise
sharciyeedka ay Wasaaddu gudbisey ku jirin wax dhiirrigelinaya sino ama qowmu
luudka meelaha laga sheegayo;

§  In arrinta sharcigaas
siyaabo kala duwan dartood loo siyaasadeeyey dadkana la qalday.

Ifraax Cabdi Nuur: Siyaasadaynta
Hindise Sharciyeedka Denbiyada Jinsiga

Waraysi
kooban oo aan la yeeshay Ifraax Cabdi Nuur oo ahayd La-Taliyaha Arrimaha Awoodsiinta
Haweenka ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Al Insaabka, haddana ah La-taliyaha Wasaaradda
Garsoorka, Awoodsiinta Haweenka, iyo Xuquuq Al Insaanka ee Wasaaradda Garsoorka,
Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dib-u-dhiska ee Puntland, waxay ii sheegtay:

Ø  In
hindise-sharciyeekaani ahaa xeer ciqaabeed looga hortegayo kufsiga, isku dayga
kufsiga, xadgudubayo kale ee la xiriira jinsiga, iyo waxyaabo kale oo
dhiirrigelinaya fal kasta oo anshax xumo ah;

Ø  In inta aan
Barlamaanka loo gudbin, laguna jirey diyaarintiisa, lagala tashaday qaar ka mid
ah: culumaa’uddiinka oo indho u leh Diinta, sharciyaqaanno ku xeel dheer sharci-dejinta,
macallimiin jaamacadeed, aqoonyahanno kale, ururrada bulshada rayidka oo leh
rag iyo dumar;

Ø  In nasiib darro, ay
jiran kooxo rag ah, ayna ku jiraan siyaasiyiin darajo iyo dollar doon ah, oo adeegsada
canaasir baahan oo ay gunneeyaan. Raggaas waxaa caadadoodu tahay, inay si xun u
siyaasadeeyaan waxkastoo haweenka lagu horumarinayo, ama lagu dhawrayo
xuquuqdooda haweenka iyo carruurta; iyadoo gabadhii u hadashana la cabburinayo,
niyadda laga jebinayo, la gaalaynayo, dhiiggeedana cid walba loo bannaynayo;

Ø  In la rabo in,
haweenka laga dhigo kuwo aan diin iyo siyaasad waxba ka aqoon kana hadli karin,
si looga hortago ka-qaybgalka loo dhan yahay ee dastuuriga ah- siiba helitaankooda
qoondada 30% ee ay ku leeyihiin xubnaha Labada Gole ee Barlamaanka Federaalka;
iyo

Ø  In shaqo laga dhigtay
in gabar kastoo nasiib u yeelata jago siyaasadeed oo sare, la dabagalo oo hadalkii
ay meel ka jeediso la qalloociyo, bulshadana lagu kiciyo, si ay uga soo horjeesato
 kuwa kalena u quustaan.

 Talo Soojeedin

 Haweenkaan
iyo carruurtaan dunida lagu cadaabayo, iyagoo waayo la harjadaya nolol ku
tilmaaman amni darro, saboolnimo, cunto iyo biyo la’aan, jahli, iyo caafimaad
darro, iyo abaaro iyo daadad isdaba jooga, ma aha uun circa ka yimid, ee waa
hantida ugu qiimaha badan ee qarankeenna.

Sidaa
darteeda, waxay mudan yihiin, kana filanayaan dawladdooda iyo cid kastoo leh dareen
waddannimo, ama ay ku beeran tahay raxmad islaannimo iyo insaaniyadnimo in: loo
danqado, la daryeelo, la horumariyo, la xurmeeyo, lagana daafaco daalim kastoo noloshoda,
xuquuqdooda, iyo xurriyaadkooda duullaan ku ah.   

Sidaa
darteed, waxaan Ra’iisul Wasaare, Xamza Cabdi Barre, oo aan ku kalsoonahay qiyaadadiisa
wanaagsan kula talinayaa, inaan xakamaynta musiibada  kufsiga loo dejin sharci gaar ah, oo markii la
gaaro meelmarintiisa durba dhicisooba.  

Kaa
waxaa looga maarmi karaa, iyadoo tacdiilaadka loo baahan yahay lagu sameeyo
Sharciga Ciqaabaadka; kuwaasoo soo diyaarintoda ay ku filan yihiin dhawr
sharciyaqaan oo ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda oo xagga ereybixinta iyo
siiqada qorista qodobbada la kaashada afyaqaannada Akadeemiyada Soomaaliyeed ee
Dhaqanka, Cilmiga iyo Suugaanta.

Faaduma Axmed Caalim (Cureeji)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy