Mucaaradka Gobaladda Waqooyi oo shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidamada millateriga

Mucaaradka Gobaladda Waqooyi Oo Shacabka Ugu Baaqay In Ay Garab Istaagaan Ciidamada Millateriga
5

Sabti, Agoosto, 26, 2023 (AX) – Madaxda xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee Waddani iyo UCID, ayaa shacabka ugu baaqay in ay garab istaag u muujiyaan ciidamada millateriga.Musharaxa Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka ugu baaqay midnimo.

“Waxaan shacabka Gobaladda Waqooyi ee xariirta ah usoo jeedinaya in ay mid ahaadaan, oo ay isku duubnaadaan, oo ay ilaashadaan wadajirka qarankooda iyo ilaalinta haybadiisa” Musharax Cirro ayaa sidaa yiri.

Waxa uu ciidamada millateriga ugu baaqay in ay isku duubnaadaan, isla markaana, waxa uu sheegay in millaterigu yahay ciidanka ay Gobaladda Waqooyi ku taagantahay.

Guddoomiye Faysal ayaa isna shacabka ugu baaqay in la garab istaago ciidamada millateriga, isaga oo ugu baaqay in ay kala saaraan siyaasada iyo calanka.

“Maanta waxa loo baahanyahay in ciidamadeena la garab istaago, dhacdooyinkan baryahan socday waxaynu kaga gudbaynaa midnimo, waa in aynu kala saarnaa calanka iyo ciida iyo maamulka xun” ayuu yiri Faysal.

Faysal ayaa sidookale ciidamada ugu baaqay in ay midnimadooda ilaashadaan, kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay saraakiisha qaarkood uu sababay in laga qabsado saldhigyadoodii bariga Sool.