Mucaaradka Gobaladda Waqooyi oo ka baaqday shir uu ugu yeedhay madaxweynuhu
Arbaco, Agoosto, 9, 2023 (AX) – Xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee Waddani iyo UCID, ayaa ka baaqday kulan lagaga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo uu madaxweynuhu ugu yeedhay.Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in kadib markii ay ka tashadeen codsiga madaxweynaha uga yimid ay go’aansadeen in anay ka qaybgalin kulanka.
“Wax Muuse uu anaga maanta noogu yeedhaa ma jirto oo hadhay, ilaa iyo maalintii uu yimid xukunka, wixii ay Gobaladda Waqooyi kusoo caano maashay, ee sharci ahayd, tanaasul iyo wadatashi wuu laabay” ayuu yiri Faysal.
- Advertisement -
Doorashada ururada ee dhawaan ay guddida doorashooyinku qorshaysay in ay kasoo horayso doorashada madaxtooyada ayuu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, oo aan lahayn nidaam sharci oo loo raaco, wuxuuna madaxweynaha ku eedeeyay in uu qorshaystay in aanu xukunka ka tagin.
“Wuxuu daraato usoo sameeyay digreeto doorasho oo aan sharcina ahayn, sharcigeediina aanu samaysnayn” ayuu yiri Faysal isaga oo ka hadlaya digreeto uu madaxweynuhu 7 August ku meelmariyay jadwalkii doorashooyinka ee guddida doorashooyinku soo saartay.
Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan lagu dardargalinayo qabsoomida doorashada ururada la yeeshay ururada siyaasada, kadib markii ay mucaaradku ka baaqdeen kulanka.