Mohamed Salah Oo Xiddigaha Liverpool U Sheegay Go’aan Ku Aadan Mustaqbalkiisa.
Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa u muuqda mid go’aan ka gaadhay Mustaqbalkiisa kooxda Liverpool.
Salah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Ittihad kuwaas oo xitaa dalab Rasmi ah ka soo gudbiyay saxiixiisa.
- Advertisement -
Liverpool ayaa maalintii uu suuqa kala iibsiga xidhmayay diiday dalab 150 milyan oo ey Kooxda sucuudiga ka ciyaarta ku doonaysay xiddiga.
Sida laga soo xigtay Warayska Mirror, Salah ayaa go’aankiisa u sheegay xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Liverpool.
Mohamed Salah ayaa u sheegay xiddigaha Liverpool in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Liverpool.
Related