Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Qorshaha Suuqa Kooxdiisa Kadib Dhaawaca Gabriel Jesus

Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Qorshaha Suuqa Kooxdiisa Kadib Dhaawaca Gabriel Jesus
2

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay qorshaha kooxdiisa kadib dhaawacii soo gaadhay xiddiga Gabriel Jesus.

Jesus ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono bilowga xilli ciyaareedka cusub kadib markii uu dhaawac soo gaadhay.

Gabriel Jesus ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado muddo todobaadyo ah kadib markii uu maray qaliin dhinaca jilibka ah.

Arteta ayaa xaqiijiyay in Dhaawaca Gabriel Jesus uuna waxba ka badali doonin qorshohooda suuqa kala iibsiga isla markaas ayna la soo saxiixan doonin weeraryahan cusub.

Sidoo kale Arteta ayaa sidoo kale sheegay in xiddiga Balogun ka tagi doono kooxda maadama uuna ka mid ahayn qorshihiisa kooxda inkasta oo uu Gabriel Jesus dhaawacmay.

“Qorshuhu waa in aanan wax weeraryahan ah la soo saxiixan, Balogun wuu bixi doonaa”.

“Waa nasiib xumo dhaawaca Gabriel Jesus laakiin arintaas waxba kama badalayso qorshaha waxa aan haysanaa dookhyo kale sidaas darteed waan is xalin doonaa”.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Xaqiijisay Wakhtiga Ay Puntland Ciidamo Cusub Keenayso Magaalada Lasacaanood.

Related