Maxaa Ka Cusub Is Mari Waaga U Dhexeeya Ten Hag Iyo Jadon Sancho.
Xiisadda ku xeeran Jadon Sancho iyo Erik ten Hag ayaa sii socota, mana muuqato wax xal ah oo lagu xalin karo ismari waaga hadda jira.
Waxaa la rumeysan yahay in Tababaraha reer Netherlands uuna ku qanacsanayn qaab ciyaareedka iyo tababarka xiddiga waxana uu ka caydhiyay kooxda 1-aad.
Sancho, ayaa dhankiisa abuuray Muran kadib markii uu tababarihiisa ku weeraray baraha bulshada taas oo keentay in uu bur-buro xidhiidhkoodu.
Saxafiga John Smith ayaa sheegay in ay arintu aad u adagthay waliba ilaa haatan xal loo laayahay arinta.
Tababare Ten Hag ayaa xiddiga ka doonaya Raali galin halka uu Xididgu ilaa haatan diidanyahay in uu bixiyo raali galintaas.
Related