Mauricio Pochettino Oo Ka Hadlay Qorshaha Kooxdiisa Ee Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga

Mauricio Pochettino Oo Ka Hadlay Qorshaha Kooxdiisa Ee Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga

Mauricio Pochettino ayaa sheegay in Chelsea ay wali raadinayso inay xoojiso weerarkeeda ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka dib markii ay soo bandhigtay qaab ciyaareed liita kulankii West Ham.

Inkasta oo ay Blues maamulaysay ciyaarta xilli ay West Ham 10 xiddig ahayd hadana waxa ay la kulantay guuldaro 3/1 ah kulan premier League ah.

- Advertisement -

Kooxda chelsea ayaa sidii xilli ciyaareedkii hore ku dhibaatootay weerarka iyaga oo aan wax saamayn ah ku yeelan dhinaca weerarka.

Kadib guuldarada kooxdiisa ka soo gaadhay West Ham Pochettino ayaa sheegay in ay kooxdiisu wali suuqa ugu jirto xoojinta dhinaca weerarka.

“Haatan way adagtahay in la helo xiddiga saxda ah, waxa aan wadnaa habka waanan ka shaqaynaynaa hadii aan kooxda ku soo dari karno xiddigo”.

“suurtagal ma ahan in aan sugno xiddigaha weerarka ee dhaawacan sida Nkunku iyo Broja”ayuu sii raaciyay.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept