Martin Zubimendi Oo Ka Jawaabay Xiisaha Cusub Ee Arsenal.

#image_title

Martin Zubimendi ayaa sheegay in uusan dhag jalaq u siin wararka xanta ah ee la xiriirinaya kooxaha Arsenal iyo Barcelona, ​​wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay Real Sociedad.

24-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay kooxdiisa qaab ciyaareedkiisa ayaana kooxdiisa ka caawinaya in ay u tartanto boosaska champions league xilli ciyaareedka dambe.

- Advertisement -

Sociedad ayaa hadda ku jirta kaalinta afaraad ee kala sareynta waxana ay 7 dhibcood ka horaysaa kooxda kaalinta 5-aad ku jirta inkasta oo ay booqan doonto kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid.

Qaab ciyaareedka Zubimendi ayaa soo jiitay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Arsenal iyo Barcelona iyada oo xitaa Arsenal suuqii January isku dayday in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa.

“Weligay ma qorsheynin inaan ka tago Real Sociedad, mar walba sidaas ayaan dhihi jiray,” Zubimendi ayaa u sheegay Marca Arbacadii.

“Weligay xitaa kuma fikirin inaan baxo. Waxaan jeclahay nolosha halkan, guriga, aad ayaan ugu faraxsanahay halkan”.

“Qiimaha kooxdani waa la mid kayga sidaa darteed waxaan dareemayaa wanaag halkan. Mar walba waxaan dhihi jiray waan faraxsanahay. Waan sii sheegi doonaa laakiin waxay u muuqataa in [saxaafaddu] aanay dheg u dhigin aniga”.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept