Maraykanka oo bogaadiyay heshiiska ay gaadheen daneeyayaasha doorashooyinka Gobaladda Waqooyi

Maraykanka Oo Bogaadiyay Heshiiska Ay Gaadheen Daneeyayaasha Doorashooyinka Gobaladda Waqooyi
8

Khamiis, September, 21, 2023 (AX) – Dowlada Maraykanka ayaa bogaadisay heshiiskii laga gaadhay khilaafkii doorashooyinka Gobaladda Waqooyi, sidookale waxay ku baaqday in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo.Sii hayaha xilka Safiirka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Shane Dixon oo booqasho maanta ku tagey magaalo madaxda Gobaladda Waqooyi ee Hargeysa, oo kulamo kala duwan la qaatay madaxda Gobaladda Waqooyi, mucaaridka, iyo ururrada bulshada rayidka ah, ayaa bogaadiyay heshiiska laga gaadhay khilaafka doorashooyinka.

“Maraykanka waxa farxad galisay heshiiska cusub ee siyaasadeed, ee ag kasoo shaqeeyeen odayaasha dhaqanku, kaasi oo ah talaabo togan oo loo qaaday xaga doorashooyin xor ah oo xalaala” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay safaarada Maraykanku.

Sidookale, waxa lagu sheegay in ku simaha safiirku uu madaxda Gobaladda Waqooyi ku booriyay in arrinta Laascaanood lagu dhameeyo jid nabad ah iyo wadahadal.

Hishiis buuxa ayaa dhawaan laga gaadhay khilaafkii siyaasadeed oo soo taxnaa mudada sannadaha ah, kaasi oo sababay in ay dib u dhacdo doorashada madaxtooyada Gobaladda Waqooyi.

Xubno kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Gobaladda Waqooyi ayaana hada ka shaqaynaya sidii xeer looga samayn lahaa qodobadii heshiiska dhaliyay ee ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanku.