Man United Oo Ku Dhaw Saxiixa Sofyan Amrabat

Man United Oo Ku Dhaw Saxiixa Sofyan Amrabat

Manchester United ayaa ka shaqaynaysa heshiis ay kula soo saxiixanayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fiorentina Sofyan Amrabat ka hor inta aanu xidhmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

United ayaa lala xiriirinayay Amrabat, oo 27 jir ah, xagaagii oo dhan, waxaana ay hadda isku dayayaan inay heshiis amaah ah ku qaataan xiddiga reer Morocco.

- Advertisement -

Laacibka ayaa aad u danaynaya inuu u dhaqaaqo Old Trafford Laakiin Man United ayaan heshiis joogto ah kula soo wareegi karin xiddiga maadama ay United ka cabsi qabto in ay jabiso xeerka dhaqaale wanaaga.

Amrabat ayaa kula jira heshiis ilaa 2024 ah kooxda ka dhisan Serie A iyada heshiiskiisa ku jiro hal sano oo dheeraad ahUnited ayaa dhowr ciyaaryahan u tixgelisay booska khadka dhexe ee daafaca, oo uu ku jiro ciyaaryahanka Bayern Munich ee Ryan Gravenberch.

Laakiin ilaa hadda ma jiro wax horumar ah oo ku saabsan 21 jirka reer Holland kaas oo sidoo kale xiiso ka helay Liverpool.

Taa bedelkeeda, United ayaa diirada saartay Amrabat iyagoo raadinaya inay sii xoojiyaan kooxda tababare Erik ten Hag.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept