Man United Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig U Ciyaara PSG

Man United Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig U Ciyaara Psg

Kooxda Man United ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Marco Verrati sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

PSG ayaa doonaysa in ay iska iibuiso Verrati ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga waxana uu heshiis la gaadhay kooxda Al-Hilal.

- Advertisement -

Si kasta ha ahaatee kooxda sucuudiga ka ciyaarta ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin PSG kuwaas oo dalbanaya 60 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, Veratti ayaa doonaya in uu sii joogo qaarada yurub waxana xiiso u qaba kooxaha Bayern Munich iyo Man United.

Wararka ayaa sheegaya in ku biirista Veratti ee Man United aan meesha laga saari karin laakiin kooxda Premier League ayaan wali wax dalab ah ka gudbin xiddiga.

Verratti ayaa 11-kii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay ku qaatay kooxda PSG laakiin Luis Enrique ayaa cadeeyay in 30-sano jirkaan uusan qeyb ka ahayn qorshihiisa xiliciyaareed kaan.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept