Man City Oo Haatanba Calaamadsatay Badalka Erling Haaland Xilli Uu Xiiso Ka Helayo Real Madrid.

Man City Oo Haatanba Calaamadsatay Badalka Erling Haaland Xilli Uu Xiiso Ka Helayo Real Madrid.

Sky Sports ayaa sheegtay in Manchester City ay qorsheyneyso inay lasoo saxiixato weeraryahanka Brighton Ivan Ferguson xagaaga soo aadan.

Evan Ferguson, oo 28 jir ah, ayaa soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Brighton xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 4 gool 4 kulan oo uu ciyaaray.

- Advertisement -

Evan Ferguson ayaa ka soo muuqday kulankii ugu dambeeyay ee Brighton ka hor fasaxa caalamiga ah ee ay la ciyaareen kooxda Newcastle United, waxaana uu seddexley ka dhaliyay kooxda Newcastle.

Shabakadda ayaa tilmaamtay in maamulka Manchester City ay si aad ah u doonayaan saxiixa weeraryahanka mustaqbalka leh ee Evan Ferguson si uu u noqdo bedelka Erling Haaland.

Shabakadda ayaa sharraxday in Erling Haaland uu ka tagi karo kooxda Man City sabab la xidhiidha xiisaha uu ka helayo kooxda Real Madrid sidaas darteed Evan Ferguson ayaa noqon doona beddelka ugu fiican ee mashiinka gooldhalinta.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept