Man City Oo Doonaysa In Ay Baanka U Jabiso Haaland, Maxay Damacsanyihiin.

Man City Oo Doonaysa In Ay Baanka U Jabiso Haaland, Maxay Damacsanyihiin.
1

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay cusbooneysiiso qandaraaska Erling Braut Haaland iyadoo mushahar rikoodh ah oo dhan 500 kun todobaadkii miiska u saaraysa xiddiga.

Tan iyo markii uu Etihad uga soo dhaqaaqay Borussia Dortmund xagaagii hore Haaland ayaa jabiyay rikoodho badan oo kala duwan.

Haaland ayaa Haatanba dhaliyay 42 gool 37 kulan oo uu u icyaaray kooxda Pep Guardiola iyada oo 28 ka mid ah premier League yihiin.

Xiddiga ayaa durba lala xidhiidhinayaa kooxo kala duwan oo ay ka mid yihiin Real Madrid iyo PSG kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay The Sun, Man City ayaa doonaysa in ay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxiixato xiddiga reer Norway.

City ayaa diyaar u ah in ay xiddiga miiska u saarto 500 kun oo Gini todobaadkii taas oo ka dhigaysa xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda premier League.

Related