Man City Mise Real Madrid? Wayne Rooney Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Semi-Final-ka Champions League

Weeraryahankii hore ee Manchester United Wayne Rooney ayaa si adag u aaminsan in Manchester City ay garaaci doonto Real Madrid kulankooda Semi-final-ka tartanka champions League ee Bartamaha todobaadkan.

Manchester City kaliya kama badin doonto Real Madrid semi-finalka Champions League – way burburin doonaan,” Rooney ayaa sidaa ku qoray The Times.

- Advertisement -

“Dabcan, waxaa laga yaabaa inaan qaldanahay, ma jirto koox ka fiican Man City oo garaaci karta kooxda Carlo Ancelotti kulanka champions League maadama ay City heer kale joogto.

“Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka, waxaan dareemayay in xilli ciyaareedkan noqon doono sanadkii uu Guardiola iyo Man City ay ku guulaysan lahaayeen champions League, sida ay u ciyaarayaana way sii xoojinaysaa”.

Sanad ka hor, Madrid ayaa wareegan Man City kaga reebtay tartanka champions League laakiin Roney ayaa sheegay in haatan wax walba is badaleen.

Real Madrid ayaan inta badan loo saadaalin wareegan tartanka champions League sidii dhacay xilli ciyaareedkii hore laakiin ay ugu dambayn ku guulaystay tartanka.

Inkasta oo ayna cidna u saadaalin koobka xilli ciyaareedkii hore hadana Real Madrid ayaa garaacday kooxaha PSG, Chelsea, Manchester City iyo Liverpool si ay ugu guulaystaan ​​koobka xilli ciyaareedkii hore.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept