Maamulka Chelsea Oo Wakhti U Qabatay Mauricio Pochettino

Maamulka Chelsea Oo Wakhti U Qabatay Mauricio Pochettino
3

Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa wajahaya cadaadis xoogan xilli ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka premier League.

Chelsea ayaa kaliya badisay hal kulan 6 kulan oo ay ciyaartay horyaalka premier League iyaga oo la kulmay 4 guuldarooyin ilaa haatan.

Kooxda ayaa wajahaysa kulamo adag wakhtiga soo socda iyada oo la ciyaari doonta kooxo badan oo qaab ciyaareed fiican ku jira.

Ka hor kulamadaas waxa jira warar sheegaya in ay maamulak chelsea shaqada ka caydhin doonaan tababare Mauricio Pochettino hadii uuna dib u helin natiijooyin fiican.

Kooxda chelsea ayaa kulamada soo socda la ciyaari doonta kooxaha Arsenal, Brentford, Tottenham Hotspur, Manchester City, Newcastle United, Brighton & Manchester United.

Maamulka Blues ayaa ka fikiraya in ay shaqada ka caydhiyaan tababaraha hadii ayna kooxdu dib u badin kulamada soo socda.

Related