“London Waa Buluug”:- Mykhailo Mudryk Oo Sheegay Waxa Uu U Sheegay Oleksandr Zinchenko

“london Waa Buluug”:- Mykhailo Mudryk Oo Sheegay Waxa Uu U Sheegay Oleksandr Zinchenko
1

Wareysi uu siiyay Sky Sports, Mykhailo Mudryk ayaa wax laga weydiiyay wadahadaladii uu la yeeshay Oleksandr Zinchenko ee ku saabsan fashilkiisii Arsenal ee suuqii January.

“Wax badan ayuu i caawiyay. Aad ayaan uga helay isaga”ayuu Mudryk yidhi.

“Waxaan inta badan ku kaftanaa Arsenal, Chelsea iyo midabka ay London tahay, Laakiin waan jecelahay, waa qof aad u qosol badan, qof aad u dagan wakhti ayaan la qaatay isaga”.

Ka dib xiddiga garabka uga ciyaara chelsea ayaa la weydiiyay midabka ay tahay magaalada London waxana uu ku jawaabay isaga oo qoslaya”Buluug”.

Xiddiga Mudryk ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Arsenal laakiin waxa uu ka doortay in uu ku biiro Chelsea suuqii January.

Related