Liverpool Oo Qarka U Saaran Saxiixeedii 2-aad Ee Suuqa Xagaaga.

Liverpool Oo Qarka U Saaran Saxiixeedii 2-aad Ee Suuqa Xagaaga.

Xiddiga khadka dhexe ee OGC Nice Khephren Thuram ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis shaqsiga ah la gaadhay Liverpool sida laga soo xigtay FootballTransfers.

Xiddiga reer France ayaa bartilmaameed u ahaa Liverpool tan ila suuqii January waxana ay wadahadalo kula jirtay xiddiga todobaadyadii ugu dambeeyay waxana ay ugu dambayn Talaabo u qaaday saxiixiisa.

- Advertisement -

Haatan Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay wadahadalo Rasmi ah la furto kooxda Nice iyada oo kooxda reer France diyaar u tahay in ay aqbasho dalab lacageed oo dhan 35 milyan oo euro.

Tababaraha Kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa taageere u ah xiddga waxana uu doonayaa in uu ka dhigo saxiixyadiisa cusub ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Liverpool ayaa aaminsan in ay saxiixa xiddiga ku dhamaystiri karto maalmaha soo socda kana dhigi doonaan saxiixooda 2-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept