Liverpool Oo Loo Soo Bandhigay Xiddig Khadka Dhexe Ah & Wakiilkiisa Oo Ku Wajahan England.

Liverpool Oo Loo Soo Bandhigay Xiddig Khadka Dhexe Ah & Wakiilkiisa Oo Ku Wajahan England.
1

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay fursad ay kula saxiixan karto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Franck Kessie inta lagu jiro suuqa January.

Barcelona ayaa doonaysa in ay iska dirto xiddiga Franck Kessie inta lagu jiro suuqa January maadama uuna ka qayb ahayn qorshaha Tababare Xavi ee xilli ciyaareedka.

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay Franck Kessie ku fasaxdo qaab amaah ah maadama ayna jirin kooxo lacag badan ka bixin kara suuqa January.

Wakiilka Franck Kessie ayaa lagu soo waramayaa in uu Liverpool u soo bandhigay saxiixa xiddiga khadka dhexe si ay qaab amaah ah ugu helaan suuqa January.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in uu Wakiilka Franck Kessie bilowga todobaadka dambe iman doono England gaar ahaan kulanka Chelsea iyo liverpool ee ka dhici doona Anfield.

Liverpool ayaa haatan aad ugu baahan xiddig khadka dhexe ah waxana ay ku dhibaatoonaysaa khadka dhexe xilli ciyaareedkan.