Yaa doorashada madaxweyne ku tashanaya codadka afarta Senato…

Kismaayo (Axadle) – Afarta Senetor ee ugu horreeyey xubnaha Aqalka sare ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, ayada oo doorashadoodu ay durba billow u noqotay loolanka doorashada madaxweynaha ayada oo muujisay cidda ku xisaabtami doonta codadkooda.

Inkasta oo ay tartameen Senatarro, haddana waxaa si dadban sidoo kale u tartamayey musharaxiinta madaxweynaha oo mid kasta dagaal uu ugu jiro inuu soo saarto xildhibaano codadka siiya.

Laba ka mid ah Senetarrada oo kala ah Iftin Xasan Baasto iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xubno firfircoon ka ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyneihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha 2021.

Senator Ilyaas Bedel Gaboose, oo ahaa guddoomiyihii gobolka Jubada Hoose ayaa sidoo kale lagu warramay inay saaxiib dhow yihiin madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale xog ay heshay Axadle ayaa xaqiijineysa Cabbdirisaaq Maxamed Cusmaan uusan aragti ahaa ka fogeyn xisbiga UPD.

Arrintan ayaa ka dhiggan in xubnaha Afarta ah ee maanta soo baxay ay aasaas u yihiin codadka uu Xasan Sheekh ku tashanayo doorashada la qorsheeyay October, inkasta oo afar cod aysan waxba goyn, oo boqolaal cod ay tahay inuu diyaarsado Xasan Sheekh.

Qeybta hore ee tartanka doorashada u dhaxeysa musharraxiinta miisaanka culus ayaa waxaa lagu kala garan doonaa soo awoodda soo saarista xildhibaannada labada aqal ee ka tirsan taageerayaashooda, halka musharraxiinta aan rajada badan lahayn ay sugi doonaan xodxodashada xildhibaannada soo baxa, taa oo aan u muuqan in ay wax ka baddaleyso miisaanka doorashada.

Doorashada maanta ayaa sidoo kale muujineysa sida ay isugu dhow yihiin Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, ayada oo ay muuqato in madaxweynaha Jubaland uu ugu abaal-gudayo madaxweynihii hore ee dalka, dagaalkii uu u galay markii uu cadaadiska xooggan kala kulmayey Villa Somalia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More