Xukuumada Somaliland oo soo saartay amaro la xidhiidha xuska 18 May

Isniin, May, 16, 2022 (AX) – Xukuumada Somaliland oo ku guda jirta qaban qaabada munaasibada 18 May, oo ah maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay gaar iskaga taagtay Soomaaliyada kale, ayaa xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay gaar ugu dabaal dagaan maalintan.

“Hadaba si loo adkeeyo wadajirka, nidnimada iyo daganaanshaha qaranka, waxaa reeban qaban qaabo kasta noocaynto ha ahaatee, oo aan ahayn qaban qaabada ay guddida heer qaran agaasintay” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu ku saxeexanyahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More