Xukuumada Gobaladda Waqooyi oo ka hadashay bannaanbaxa mucaaradku qorshaynayaan

Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay dhigaan mudaharaad anay ogolaansho u haysan.Kulan uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Gobaladda Waqooyi Maxamed Kaahin Axmed la yeeshay madaxda ciidamada, maamulka gobolka Maroodijeex iyo maamulka caasimada Hargaysa, ayuu wasiirku ku faray in ay ilaaliyaan guud ahaan nabadgalyada, isagoo sigaara uga digay mudaharaadada mucaaradku qorshaynayaan.

“Cidkasta oo isku dayda in ay amniga wax u dhimaan iyaga oo ku soo dhuumanaya mudaharaad sharci darro ah tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa,wixii ka yimaadana waxaa qaadaya masuuliyadeeda ciddii soo abaabushay” warsaxaafadeed kulanka kasoo baxday ayaa sida lagu yiri.

Wasiirka Kaahin ayaa faray hay’adda amniga in ay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo isku dayda in ay waxyeelayso ama khalkhal geliso xasiloonida iyo nabadgelyada Gobaladda Waqooyi, ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeeda.

Shacabka ayaa dhinacooda loogu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada nabadgalyada ee ilaalinaya nabada, isla markaana ay ka fogaadaan cidkasta oo wada fal amni daro ah.

“Shacabkana waxaa loogu baaqayaa in ay la shaqeeyaa ciidamada nabadgelyada, kana fogaadaan cidkasta oo wada dhibaato lagu waxyeelanayo nabadgelyada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Gobaladda Waqooyi” ayaa lagu yiri warsaxafadeeda.

Xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi ayaa ku goodiyay in ay qaban doonaan mudaharaado, kadib markii ay burbureen wadahadaladii ay la lahaayeen xukuumada.

Abdiwahab Ahmed, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More