Xog: Qorshaha Guudlaawe lagu gaynayo Beladweyne oo

Muqdisho (Axadle) – Ilo-wareedyo kala duwan oo ku sugan Muqdisho iyo Beladweyne ayaa Axadle xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheysay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle awood ciidan lagu geeyo magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. 

Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geyn doono Beledweyne, taasoo ka dajin doonto xerada ciidamada Cirka ee Lama-galaay. 

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in arrintaan ay ku howlanyihiin Xildhibaan Nuur Iidow Beyle, Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Jeneral Mukhtaar iyo madaxweyne ku-xigeenka Maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hada dhamaantood ku sugan magaalada Beladweyne. 

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ay guul dareysteen dadaalo ka socday Beladweyne, kuwaasoo ay maalmahaan wadeen Xildhibaano iyo siyaasiin reer Hiiraan ah. 

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shalay ka digay in Beladweyne ay ka dhacaan dagaalo iyo in doorashada laga weeciyo magaaladaas.

Goodax Barre ayaa dhaliilay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo Baledweyne gaaray iyo madaxda ugu sareysa HirShabeelle oo uu ku eedeyay iney burburinayaan masiirka umadda reer Hiiraan oo ay ka shaqeyn hayaan in colaad ka dhacdo gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Wadatashiyadii socday, waxaa hakad galiyay wafdi uu hogaaminayo Yusuf Dabageed oo gadaal ka yimid, isla markaana qaarkood hadallo daandaansi ah baraha bulshada u mariyay dadka deegaanka una arka xalka keliya in ay dagaalamaan,” ayuu yiri Goodax.

“Wafdiga Dabageed wuxuu iigu muuqday dad colaad xambaarsan Isla markaana ku shaqaynaya fikirkii Dabageed ee ahaa “Haddii Cali Guudlaawe uusan imaan Baladweyne doorasho kama dhacayso” Waa ayaan darro iyo nasiib xumo weyn in dadka nuucaas ah ee Muqdisho taleefanka looga hagayo, in ay ummad dhan masiirkooda u burburiyaan danahooda shaqsiga ah.”

Goodax ayaa sidoo kalen nasiib-darro ku tilmaamay in shacabka Beledweyne loogu caga-jugleeyo in doorashada laga wareejinayo Baladweyne, haddii aanu iman Guudlaawe, sida uu hadalka u dhigya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More