Xog: Nin Imaaraati ah oo markab siday shixnad dhan $5 milyan…

Berbera (Axadle) – Markab u rarnaa Ganacsato reer Gobaladda Waqooyi ah oo muddooyinkii dambe ku xirnaa dekedda Berbera ee Gobaladda Waqooyi ayaa dib uga goostay dekedda, sida ay ogaatay Axadle.

Saraakiil ka tirsan dekedda oo la hadlay Axadle ayaa sheegay in Markabkaas uu dib uga goostay dekedda Berbera, ayada oo aan laga dejin shixnadii saarneyd oo ay lahaayeen ganasato reer Gobaladda Waqooyi ah.

Sidoo kale waxay sheegen in uu jiro khilaaf kooban oo soo kala dhex-galay Ninkii wakiilka u ahaa, oo asagu degan dalka Imaaraadka Carabta iyo howl-wadeenadii Markabka.

Markabka ayaa siday shixnad lagu qisaay ku dhawaad 5 Milyan oo dollar, waxa uuna kusoo aadaya goosashadiisa xili ay maalmo kooban inaga xigaan Ciida Carafo oo alaabta badankeeda loogu talo-galay.

Ganacsatada uu u rarnaa Markabkaas ayaa illaa hadda ku mashquulsan helistiisa, mana jiro ilaa hadda war sugan oo laga helayo goobta uu u goostay Markabkaasi iyo inay jirto dekedd kale oo uu ku xirtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More