Xog: Khilaaf cusub oo ka dhex qarxay Guudlaawe iyo

Beledweyne (Axadle) – Xog cusub oo ay heshay Axadle ayaa sheegeysa inuu mar kale qarxay khilaafkii u dhaxeeyo madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Khilaafka labada mas’uul oo maalmahaan dambe u muuqday mid xal laga gaaray ayaa marka kale hawada isku shareeray, wuxuuna khillaafka salka ku hayaa doorashada kuraasta 8-da ah ee ku hartay magaalada Beledweyne.

Axadle ayaa ogaatay inuu khilaafka xoogiisa ka taagan yahay Kursiga HOP#135 oo ay ku fadhiso xildhibaan Aamino Maxamed. Dabageed ayaa doonaya in kursigaan loo xiro shaqsi gaar ah, taasioo uu si weyn uga hor yimid madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Xildhibaan Aadan Kaladire oo kamid ah baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka uu mas’uul ka yahay madaxweynaha HirShabelle, islamarkaana cid ka hor-imaan karin.

“Doorashada Hirshabeelle waxaa ka mas,uul ah Madaxweynaha Cid kastaa oo caqabad ku ah ka baarlamaan ahaan waxaan diyaar u nahay in aan ka hor leexino ayuu yiri,” Xildhibaan Aadan Kaladiro.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle Guudlaawe ayaa dhawaan musharixiinta u taagan kuraasta ku hartay Beledweyne u ballan qaaday inuusan jiri doonin kursi loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Yuusuf Dabageed oo dhawaan wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha HirShabelle, balse wuxuu sheegay inay jiri karaan waxyaabo lagu kala aragti duwanaan karo.

Yuusuf Dabageed ayaa horay meel fagaare ah uga sheegay in uu boobi doono kuraasta Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Beledweyne lagu doorayano taas oo muran iyo kalsooni darro xoogan ka dhalatay.

Kuraasta ku harsan Magaalada Beledweyne ayaa weli la qaban la’yahay sababo la xiriira khilaafka taagan, waxayna u badan tahay inay dhaafaan waqtigii ugu dambeeyey ee lagu heshiiyey in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aheyd 15-ka Bishaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More