Xog: Goodax Barre iyo Cali Guudlaawe oo la heshiisiiyay

Muqdisho (Axadle) – Sida ay Axadle u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, waxaa kulan qarsoodi ah Caasimadda Muqdisho ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, kulankaas oo ay ku wehliyeen siyaasiin kale oo reer Hiiraan ah.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Goodax ayaa 3-dii December 2020, wuxuu weerar culus oo qabyaaladeysan ku qaaday madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, oo ku tilmaamay “nin aan u qalmin inuu madaxweyne noqdo, oo qabyaalad ay ka buuxdo, oo miyiga kusoo koray.”

“Waa nin neceb isir iyo daad gaar ah, wuxuuna ka keenay dhaqanka miyiga. Wuxuu beel gaar ah [Beesha Xawaadle] madax u geliyey beelaha kale ee gobolka, oo uu ka dhaadhiciyey inay nacaan, oo ay cadowgooda yihiin,” ayuu yiri Goodax Barre xilligaas.

Kulanka lagu heshiisiiyey Guudlaawe iyo Goodax ayaa waxaa ka soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ujeedada kulanka lagu sheegay in uu ahaa mid xal loogu raadinayo diidamada beesha Xawaadle ee tagitaanka Cali Guudlaawe ee magaalada Beladweyne iyo sidii loo dhameen lahaa khilaafka labada masuul.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qorsheeyay in uu marka hore si gaar gaar iyo koox koox ah u kulansiiyo siyaasiinta Xawaadle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe waxaana xoogga la saaray in marka hore laga bilaabo xubnaha maal-geliyo ama sida weyn u taageero Jabhada Janaraal Xuud.

Kulankii dhaxmaray Cali Guudlaawe iyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre islamarkaana uu goob joogga ahaayeen siyaasiin kale ayaa la sheegay in lagu heshiisiiyay labada dhinac oo markii hore khilaaf adag u dhaxeeyay.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in sidoo kale ay Muqdisho ka dhacaan kulamo kale oo xal loogu raadinayo arrimaha HirShabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More