Xog: DF oo XAMAR keentay SARAAKIISHA hoggaamisa

Muqdisho (Axadle) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay in dowladda Soomaaliya ay Caasimadda Muqdisho keentay saraakiiahii hogaamineysay ciidamada Cabdrashiid Xasan Cabdinuur Janan. 

Saraakiisha Muqdisho la keenay ayaa waxaa kamid ah Rashiid Bool, Cali Xasan Deer iyo saraakiil kale, waxaana tiradooda lagu sheegay 16 Sarkaal oo muhiim u ahaa howlgalka Cabdirashiid Janan. 

Saraakiishaan oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ayaa lagu xareeyay xero Nac-Nac, waxaana la sheegay in dhowaan u bilaaban doono tababaro Sarkaalnimo, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya. 

Saraakiishaan laga soo dejiyay Muqdisho ayaa la sheegay in ay ku soo baxaan ammar uu Muqdisho ka bixiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana sidoo kale la filayaa in ay la kulmaan dhowaan. 

Wasiirkii hore ee amniga ee maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa hore heshiis ula galay dowladda Soomaaliya inkastoo uu maalmo ka hor uu ka soo muuqday dhinaca mucaaradka, isagoo sheegay in uu yahay Murashax Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in khilaaf soo kala dhex-galay Villa Somalia iyo wasiir Janan uu sabab u ahaa in uu ka baxsado Villa Somalia oo ku heysay cadaadis badan.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu ka dhashay ballamo dhowr ah oo looga baxay Janan, kuwaas oo loo sameeyey markii uu kasoo goostay dhanka Jubaland, ayada oo ay sii dheer tahay in cadaadis iyo xanibaado badan uu la kulmay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More