Xog: Cayaar siyaasadeedka cusub ee dib u dhigeysa doorashada…

Muqdisho (Axadle) – Doorashada Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhacday kadib markii uu fuli waayey jadwalkii cusbaa ee doorashada ee dhigayey in doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ay billaabato 25-ka July, oo ku beegneyd Axaddii.

Marka laga reebo khilaafka ka taagan guddiga doorashada ee xildhibaanada waqooyi, ma jirto caqabad siyaasadeed kale, oo maamul goboleedyada ka hor-istaagtay inay qabtaan doorashada.

Iska daa in doorasho ay qabtaan’e, maamul goboleedyada qaarkood ayaan xitaa dhisin guddiyadii baarlamanada u qaabilsanaa qabashada doorashada Aqalka Sare.

Hase yeeshee, sida ay ogaatay Axadle, qabashada doorashada ayaa markan wajaheysa caqabad cusub, oo ah cayaar siyaasadeed u dhaxeysa beesha caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, taasi oo salka ku haysaa lacagta ku baxeysa doorashada.

Sida ay Axadle xogta ku heshay, beesha caalamka ayaa diiday inay bixiso lacagta ku baxeysa doorashada oo gaareysa illaa 40 milyan oo dollar, ayada oo ku xirtay shuruud ah, in marka hore lasoo geba-gebeeyo doorashada Aqalka Sare.

Lacagtaas ayaa waxaa dowladda federaalka laga rabaa kaliya inay bixiso afar milyan, halka inta soo hartay, oo ah 36 milyan laga sugayo beesha caalamka.

Walaaca beesha caalamka ayaa ah, in haddii ay lacagta bixiso ay suurta-gal tahay in siyaabo kale loo adeegsado, oo doorasho lagu qaban waayo, ayada oo qiil ka dhiganeysa dib u dhacyada aan xisaabta laheyn ee horey ugu hareeyey doorashada.

Waxay sidoo kale beesha caalamka qabtaa, in doorashada Aqalka Sare aysan u baahneyn wax qarash ah, ama haddii ay u baahan tahayna aysan aheyn wax badan, maadaama xildhibaanada Aqalka Sare ay soo dooranayaan xildhibaanada maamul goboleedyad, oo ah kuwa iminkaba jira, islamarkaana shaqeeya.

Aragtida beesha caalamka ayaa ah, in qarashka ugu badan uu ku baxayo xildhibaanada golaha shacabka, oo ay soo dooranayaan ergo u baahan in la isku keeno, hoteello la dejiyo, la tababaro, islamarkaana muddo la biilo.

Sidaas darteed, wakiilada beesha caalamka waxay ku doodayaan, inay lacagta fasixi doonaan doorashada Aqalka Sare kadib.

Dhankoodana, madaxda maamul goboleedyada ayaa qaarna ku doodaya inay wajahayaan dhaqaale xumo baahsan, halka qaarka kalen ay ka cabsi qabaan in haddii ay lacagta jeebkooda ka bixiyaan, aan dib loogu soo celin doonin.

Mamaul goboleedka kaliya ee illaa iyo hadda ay si buuxda uga go’an tahay qabashada doorashada Aqalka Sare ayaa ah Jubaland, oo dano siyaasadeed gaar ah ka leh qabashada doorashada.

Axmed Madoobe ayaa doonaya inuu doorashada Aqalka Sare kusoo geba-gebeeyo bishan July gudaheed, si uu ugu xoojiyo sharciyaddiisa.

Qoraal 14-kii July 2020 kasoo baxay dowladda federaalka, ayey ku sheegtay inay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Jubaland, muddo laba sano ah oo ka billaabaneysay bishii August 2019, oo aheyd markii la doortay.

Axmed Madoobe ayaa ku gacan seeray qoraalkaas kasoo baxay Villa Somalia, isla maalinkii ay soo saartay, kuna tilmaamay mid sharci-darro ah, oo aan quseyn.

Si kastaba, Axadle ayaa rumeysan, in Axmed Madoobe weli uu qabo walaac la xiriira arrintaas, islamarkaana haddii waqtigaas la gaaro isaga oo aan doorasho qaban ay muran cusub gelin karto awoodda uu ku qabanayo doorashada.

Waxaa taas dheeri, in maamulka gobolka Gedo ee taabacsan Villa Somalia uu shaaca ka qaaday inay maamul cusub u dhisayaan Jubaland marka la gaaray bisha August ee soo socota, tani oo muujineysa in Villa Somalia ay xiisad cusub ka shaqeyneyso.

Guddoomiyaha gobolkaas ee ku xiran Villa Somalia Axmed Buule Canjeex, oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in muddo xileedka Axmed Madoobe uu ku eg yahay bisha August, kadibna ay dadka gobolka dhisan doonan maamul cusub, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka ay dhammaato muddada xilka Axmed Madoobe) ma jirto cid naga hor istaageyso in aan aayaheena ka tashano, waana go’aan ay gaareen dadka deegaanada Jubaland, dal iyo diba, waa la isku xiran yahay. Guddiyo ayaa la sameystay sidii gogoshaas ay ku meel mari lahayd,” ayuu yiri Axmed Buule.

“Ha u gudbiyo laakin, Axmed muddadiisa 20-ka bisha siddeedaad ayay ku ektahay, hal maalina cid ugu dari karta ma leh, ciddi howshaas damacdana waxay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo in iyaga la weydiinaayo,” ayuu sii raaciyey.

Dib u dhacyada aan dhammaadka laheyn ee doorashada, ayaa waxaa ku raaxeysanaya madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo hadda galay bishii lixaad ee uu kursiga ku fadhiyo isaga oo aan sharciyad heysan.

Sida muuqata, Farmaajo waxa uu ugu yaraan heli doonaa hal sano oo dheeri ku ah muddo xileedkiisa oo dhammaaday 7-dii Febraayo, 2021. 

Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More