Xog: Astaamaha muujinaya qorshaha dhabta ah ee

Baydhaba (Axadle) – Waxaa isi-soo taraya astaamaha muujinaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ku jiro damac ah inuu xubin ka noqdo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka federaalka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xildhibaano u soo doortay xubno badan oo ka tirsanaa xukuumadda Laftagareen iyo baarlamaanka maamulkaas, waxayna K/Galbeed noqotay maamulka xubnaha ugu badan ee golayaashiisa ay ku biireen baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Xubnaha Xildhibaanda noqday ayaa waxay isugu jiraan 8-wasiir, labo wasiir ku xigeen, Agaasime guud, Taliyaha qeybta SNA iyo guddoomiyaha baarlamaanka Koofur Galbeed Cali Saciid Fiqi.

Todobaadkaan waxaa la dooranayaa 7-da xildhibaan ee u dambeysa kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed, waxayna wararka aan heleyno sheegayaan in xubnaha la filayo in la doorto ay ku jiraan wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga Koonfur Galbeed.

In xubnihii ugu badnaa ee golayaasha maamulkaas ay u soo wareegaan dowladda dhexe ayaa sii xoojineysa tuhunka laga qabo in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu yahay musharax Xildhibaan.

Sidoo kale ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa Axadle u xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay culeys ku saarayaan Laftagareen inuu qaato kursi xildhibaan oo baaralamaanka cusub uu ku soo biiro.

Farmaajo iyo Fahad ayaa la sheegay inay Laftagareen la doonayaan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, sida ay noo sheegeen xubnaha noo waramay weli Laftagareen ma uusan cadeyn mowqifka uu ka taagan yahay dalabka Farmaajo iyo Fahad.

Hase yeeshee weli lama soo dooran kursiga xildhibaan ee jufada Laftagareen, kaas oo isagu uu horay ugu fadhiyey, waxaana macquul ah in isagu uu soo qaato todobaadkaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More