Xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi oo hanjabaad u diray xukuumada

Khamiis, Ogosto, 4, 2022 (AX) – Xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee Waddani iyo UCID, ayaa ku hanjabay in ay iska celin doonaan xukuumada, iyaga madaxweynaha ku eedeeyay in uu ergo walba diiday.Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka hadlay xaflad meher, ayaa sheegay in anay ogolaanayn wax aanu madaxweyne Biixi-ba ogolaan jirin.

“Ogolaan mayno waxaanu isba ogolaanin, Kulmiye ma jiree, ina Biixi ayaa jiree, ina Biixina waanu iska celinaynaa, dalkii wuu sheegtay” Guddoomiye Faysal ayaa sidaa yiri.

Cirro ayaa dhankiisa sheegay in madaxweyne Biixi uu ergo walba, diiday balse ka mucaarad ahaan, ay tanaasul badan sameeyeen, sidaas darteedna anay jirin sabab iyaga looga codsado tudhaale,

“Reer Gobaladda Waqooyi-now waxa aad anaga nagu riixaysaan oo aad leedihiin tudha bal noosheega”.

Mucaaradka Gobaladda Waqooyi ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo horjeedaan in doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo, iyadoo xukuumaduna sheegtay in anay dhacayn mudaharaado anay ogolaan.

Abdiwahab Ahmed, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More