Xildhibaannada labada aqal ee kasoo jeeda Beesha Sade oo ka horyimid hab qeybsiga xukuumadda Soomaaliya

Jimco, Agoosto, 5, 2022 (AX) – Xildhibaannada labada gole ee barlamaanka Soomaaliya, oo kasoo jeeda beesha Sade Daarood, ayaa ka hor yimid xukuumadda raysal wasaare Rooble, iyagoo soo dhoweeyay shir wadatashi oo ay ku baaqeen madaxweyne ku xigeennada Jubbaland iyo Galmudug.Xildhibaannada ayaa sheegay in lagu xadgudbay wax qeybsiga nidaamka 4.5. gaar ahaan, waxay tilmaameen in meel looga dhacay awood qeybsiga soo jireenka ahaa ee beesha Daarood.

Waxay madaxda xukumadda federaalka ugu baaqeen inay dib u saxid ku sameeyaan hannaanka awood qeybsiga beelaha dhexdooda, taasoo ay sheegeen inay ka dhex muuqato quursi aan loo meel dayin oo lagula kacay beeshooda.

Beesha Sade Daarood oo uu kasoo jeedo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xukuumadda cusub ka heshay wasiirka amniga Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More