“Xil heynta Waare waa ay dhammaatay, Baarlamaanka ayaa xil

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed

Sheekh Cismaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in xil heynta sharciga ee Hogaamiyayaasha Maamulkaas dhammaatay 9-kii Oktoobar maalin kahor, wixii hadda ka dambeeyana la qorsheynayo doorashada 4-sano ee soo socota.

Guddoomiye Cismaan ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare & Xukuumaddiisaba waqtiga uu ka idlaaday, sidaas awgeed dastuuri ahaan Baarlamaanka uu usii shaqeynayo si shaqada loogu wareejiyo Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle.

“DG Hir-Shabeelle sida uu dastuurka ku dhigan waa in 4-tii sanaba la qabto doorasho lagu soo dhisayo maamul qaata waqti kale, waa in lagu dhaqaaqaa fulinta sharciga oo na siiyay shaqada aan qabanay 4-tii sano ee lasoo dhaafay, Xukuumadda waqtigeeda halkaas ayuu ku dhamaaday waxaa kaliya howsha sii wada Baarlamaanka oo ku simaya Baarlamaanka cusub sida ku xusan qodobka 40-aad ee dastuurka DG Hir-Shabeelle” ayuu yiri Cismaan Barre Maxamed.

Waa uu sii hadlay waxa uu sheegay in loo hoggaansamo fulinta sharciga oo ah waxa lagu wada joogo, maadaama mas’uul waliba lagu qadarinayo awoodda dastuurka uu leeyahay si loo sii joogteeyo xasiloonida iyo xil isku dhiibka doorashada ku dhisan.

“Hogaamiyaha & Xukuumadda shaqadoodu waa ay dhammaatay, Aniga waxa aan ahay Guddoomiyihii hay’adda sharci dejinta oo halkaan waxa aan ku joogaa sharci, waxaa bilaabaneysa howsha doorashada, Ergooyinka ayaa guda-galaya xulista Baarlamaanka, Guddiga farsamo ee uu magacaabay Madaxweynuhu ayaa bilaabay howsha” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle.

Cismaan Barre Maxamed & Maxamed Cabdi Waare waxaa marar kala duwan soo kala dhexgalay khilaaf dhanka shaqada maamulka ah, go’aamo uu qaatay Hogaamiyaha Hir-Shabeelle ayuu kahor yimid Guddoomiyaha Baarlamaanka, inkasta oo markii dambe la xaliyay.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More