Xiisadda Beledweyne: Farmaajo iyo Rooble oo

Beledweyne (Axadle) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay blilaabeen dadaalo lagu xalinayo xiisadda ka taagan maamulka HirShabeelle. 

Nabaddoon Cilmi Guure Hagar ayaa warbaahinta u sheegay in Ugaaska Beesha Xawaadle ay la soo xariireen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo kala hadlay xaaladii cakiran ee magaalada Beladweyne. 

“Ugaaska waxa uu noo sheegay in Farmaajo iyo Rooble la soo hadleen kana dalbadeen in xaalada la qaboojiyo lana xalin doono tabashooyinka jira,” ayuu yiri nabaddoonka.

Dhinaca kale Nabadoon Cilmi Guure Hagar oo ka mid ah odoyaasha ugu caansan gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xayiraadii ay ciidamada Milateriga saareen Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle laga qaaday. 

“Albaabka ayaa lagu xiray waxaana saarnaa bandow aysan qof kaga soo bixi karin Madaxtooyada qofna ku geli karin, laakiin hada waan ka qaadnay,” ayuu yiri Nabadoon Cilmi Guure Hagar oo la hadlay Warbaahinta gudaha Muqdisho. 

Odoyaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa ku guuleestay in ay magaalada ka saaraan ciidamadii Janaraal Xuud, halka kuwii Milateriga dib loogu celiyay saldhigyadii ay ka soo baxeen ee gobalka Hiiraan.

Xiisadda cusub ee Beledweyne ayaa ka dhalatay isku day magaalada shalay diyaarad ciidan lagu geyn lahaa madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, kaasi oo fashilmay markii ay habeen hore magaalada qabsadeen ciidamada la baxay Badbaado Hiiraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More