Xal laga gaaray buuq dhaliyay in ay hakad galaan howlahii

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa xaliyay buuq ka ka taagnaa duulimaadyadii gudaha ee ka bixi jiray Garoonka ka dib markii Guddiga Diyaaradaha oo ka carooday amar ka soo baxay NISA ay sheegeen in ay joogiyeen shaqadii duulimaadyada.

Muranka ayaa yimid kaddib markii shalay Hey’adda Nabadsugida ay joojisay diyaarad aadi laheyd degmada Doolow ee Gobolka Gedo, taasna ay keentay Guddiga Diyaaradaha oo shir yeeshay in ay sameeyaan shaqo joojin.

Arrinta muranka duulimaadyada gudaha ee saaka hakadka gashay ayaa salka ku heysa in hal diyaarad kaliya loo ogolaaday in ay tagto Doolow, halka diyaaradaha kale ee Local-ka ah loo diiday, taasoo keentay in shirkadihii kale ee diyaaradaha ay saaka gadoodaan oo ay furtaan Koontarka Terminalka.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadsugida ay soo saartay amar ah in hal diyaarad kaliya ay imaan karto Doolow, halka labo diyaaradood oo si maalinle u tagi jiray loo diiday sida ay sheegeen gudiga diyaaradaha.

Guddiga Shirkadaha diyaaradaha ayaa arrintan ku tilmaamay mid naas-nuujin ah, waxaana haatan socda kulan lagu xallinayo murankaas, iyadoo mar dambe uu bilowday duulimaadyadii gudaha dalka oo muddo saacado ah hakad ku jiray.

Boqolaal ruux oo isugu jiray waayeelo iyo carruur ayaa muddo saacado ku xanibnaa garoonka diyaaradaha aadan cadde, kaddib hakadka ku yimid howlihii duulimaadyada gudaha ee garoonka Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More