Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay

Beledweyne (Axadle) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, iyaga oo beegsaday dad beeraley ah oo ku sugnaa duleedka Beledweyne.

Maleeshiyaadka ka dambeeyey weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan oo ka dhacay deegaanka Banka ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen labo kale, kuwaas oo dhammaantood ah dad shacab ah.

Sidoo kale dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa loo soo qaaday dhinaca magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarkan salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee HirShabelle.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda howl-gallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii ka dambeeyey weerarkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Inta badan waxaa gobollada dhexe ee dalka kusoo noq-noqda weerarada iyo dilalka salka ku haya aanada Qabiil ee ka dhaca Hiiraan, Galgaduud, Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More