Wasiir Koore: Puntland malaha sacabka iyo xabada ma kala taqaano

Sabti, Ogosto, 6, 2022 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in ciidamada millateriga oo ku ruqaansaday deegaanka Boocame ee gobolka Sool, ay ku tageen doonista shacabka.Wasiirka Warfaaafinta Gobaladda Waqooyi Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo ka jawaabay hadalo uu sheegay in masuuliyiin maamulka Puntland ka tirsani ay ku sheegeen in ciidanka Gobaladda Waqooyi ay xoog ku tageen Boocame, ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi anay diyaar u ahayn dagaal, ciidankuna si nabada ku tageen.

“Qolada Puntland oo aan hadalo ka maq maqlayay malaha xabada iyo jiibta iyo jaanta ayay kala garan waayeen, iyo soo dhawaynta iyo sacabka iyo dagaalka ayaanay kala aqoon ayaan is idhi, dowlada Gobaladda Waqooyi diyaar uma aha in ay cunfi dagaal ku gaadho danaheeda siyaasiga ah” ayuu yiri wasiir Koore.

Waxa uu sheegay in shacabka deegaanka Boocame ay soo dhaweeyeen, isla markaana ka xukuumad ahaan, meelkasta oo shacabku ugu yeedho, oo uu ka dalbado in ay yimaadaan ay tagayaan.

Waxa uu u mahahceliyay shacabka deegaanka Boocame oo uu sheegay in ay gacmo furan kusoo dhaweeyeen ciidanka iyo masuuliyiinta gobolka Sool ee deegaankooda gaadhay, isla markaana ay ka muuqatay xamaasad iyo waddaniyadi.

“Waxan u mahadcelinayaa umada Boocame oo si xilkasnimo ah, walaalnimo ah usoo dhaweeyay masuuliyiinta qaranka, waxaana ka muuqatay xamaasad iyo waddani-nimo iyo in ay u jeelanaayeen in dadkoodi, dowladoodii iyo maamulkoodii soo gaadho” ayuu yiri wasiir Koore.

Ciidamada millateriga Gobaladda Waqooyi, ayaa ku ruqaansaday deegaanka Boocame oo ka tirsan gobolka Sool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More