Wasiir Cabdisaciid: Xukunkii ICJ ee Soomaaliya iyo

Antalya (Axadle) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee Turkey uga qeyb-galay dood ku saabsan muran xuduudeedka badda ayaa mar kale ka hadlay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Cabdisaciid ayaa sheegay in soo gaba-gebeyntii kiiska badad Soomaaliya iyo Kenya ay tusaale u noqon doonto muranada mustaqbalka ee xuduudaha badda ee ka dhaxeeya dalalka.

“Soo gaba-gebeynta kiiskii xadeynta badda ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya wuxuu tijaabo u noqon doonaa muranada kiisaska iman doona mustaqbalka ee xadeynta badda. Waxay noqon doonta arrin xiiso leh sida Maxkamadda ICJ ay usii waddo horumarinta sharcigeeda kuna dabaqdo habka xadeyta badda,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya. 

“Waxaan aaminsanahay in ICJ ay sii wadi doonto fasiraad cad iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah. Si sharciga caalamiga ahi u guuleysto, waa in xukunnada ICJ loo hoggaansamaa,” ayuu yiri. 

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Antalya kula kulmay dhiggiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu, oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal, wuxuuna uga mahad-celiyey taageerada aan hagarta laheyn ee Turkey ay siiso Soomaaliya. 

Cabdisaciid ayaa sidoo kale Cavusoglu ku ammaanay kaalinta uu ka cayaaray isku keenidda wasiirada arrimaha dibedda Ruushka iyo Ukraine, si xal nabadeed loogu helo dagaalka ka socda Ukraine.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More