Wasiir Bayle oo garyaqaanka guud ee dowladda u wakiishay inuu ka difaaco dacwadda xafiiska xeer ilaaliyaha

Axad, Juun, 26, 2022 – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu iska difaaco su’aalo la xiriira arrimaha maaliyadda oo uga yimid xafiiska xeer ilaalinta.Wasiir Bayle, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay, inuu garyaqaanka guud ee dowladda u wakiishay inuu difaaco, oo uu la wadaagayo jawaabaha uu u baahdo xeer ilaaliyaha guud.

Geesta kale, Wasiir Bayle ayaa duray warqadda xeer ilaaliyaha kasoo baxday, isagoo u jeediyay in ilaaliyo xeerarka loo dejiyay in lagu maamulo arrimaha dowladda ee ku aadan, xubnaha dowladda ee maxkamaddaha looga yeero.

Wasiirka maaliyadda waxaa berrito u qorshaysan inuu hortago barlamaanka Soomaaliya oo dhowaan uu horgeeyay inay meel mariyaan miisaaniyadda dalka ee 2022.

Maalinta berrito ayay ku aadan tahay waqtigii xafiiska xeer ilaalinta u qabtay in wasiirka maaliyadda ku yimaado xafiiskooda, si wax looga weydiiyo baaris ku saabsan maaliyadda dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More