Wasaaradda macdanta Soomaaliya oo amartay in laga guuro xarunteedii hore oo dad shicib ah dagan yihiin

Wasaaradda macdanta Soomaaliya oo amartay in laga guuro xarunteedii hore oo dad shicib ah dagan yihiin

Axad, Agoosto, 14, 2022 (AX) – Wasaaradda Macdanta iyo Bartoolka xukuumada Soomaaliya, ayaa amartay in si dhaqsi ah ay uga guuraan dadka degan xaruntii wasaaradda oo ku taala xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan.Qoraal wasaaradda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dhismahan looga faaidaysandoono dantii guud ee loo dhisay.

Dadka degen dhismahan wasaaradda ayaa halkaas ku nool tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waqigaas oo xarumo badan oo dowli ah ay gacmaha u galeen dad shicib ah.

Wasaaraddu wax waqti ah uma qaban dadku inay uga guuraan xarunteeda, balse waxay ku amartay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga rarnaa agabkooda.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More